Su’aalo ka Dhashay Nin Ameerikan ah oo Xabsi ku Muteystay Faraxumeynta Gabdho Agoomo ah.

0
182

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay in ka badan 15 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay eedeymo ku saabsan in uu faro xumeeyay gabdho aan qaan gaadhin oo ku jiray xarun agoonta lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Kenya.

Gregory Dow, oo ah nin ka shaqeeya faafinta masiixiyadda ayaa sanadkii 2008-dii wuxuu gudaha Kenya ka sameeyay xarun lagu xareeyo carruurta agoonta ah.

Howshaas waxaa sidoo kale la wadday xaaskiisa.”Gregory Dow wuxuu ahaa waraabe-dadoow aan laga warqabin,” ayuu yidhi Michael Driscoll, oo ka tirsan hayadda dambi baarista federaalka Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI.

Sanadkii lasso dhaafay, Dow wuxuu Mareykanka maxkamad Mareykanka ku taalla qirtay afar dambi oo loo heystay, kuwaasoo dhammaan la xiriira tacaddi galmo oo uu u geystay carruur isagoo dal ajnabi ah ku sugan.Xarunta agoomaha oo lagu dhisay kharash ay si wada jir ah u bixiyeen kaniisado ku yaalla magaalada Lancaster ee gobolka Pennsylvania, ee Dalka Mareykanka, ayaa shaqeyneysay muddo ku dhow toban sano, ka hor inta uusan baxsanin Dow sanadkii 2017-kii.

Fadeexad su’aalo ku abuurtay dad badan oo rear Kenya ahShacabka Kenya aad bay u cadhoodeen markii la ogaaday in Dow uu waddanka ka tagay islamarkii ay soo baxeen eedeymaha la xiriira tacaddiyada uu geystay.

Tani waa mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee ku gadaaman fadeexaddan. Sidoo kale, dadka ayaa is weydiinayay sababta qof horay loogu helay dambiyo noocan ah loogu oggolaaday in uu furo xarun agoonta lagu xannaaneeyo.

Maadaama hadda lagu maxkamadeeyay, xukunkiisa xabsiga ahna uu ka dhacay Mareykanka, dadka qaar waxay su’aalo ka keeneen awoodda ay Kenya u leedahay in ay caddaaladdeeda hor keento dadka ajaanibta ah ee geysta tacaddiyada galmada.

Hayadda FBI-da oo xog far fiiq ah heshay ayaa gacanta ku soo dhigtay Mr Dow bishii July ee sanadkii 2019-kii, islamarkiina waxaa lagu soo oogay dacwad. Xogta lagu soo qabtay waxaa bixisay haweeney u dhalatay Kenya oo ku nool Mareykanka, taasoo ku noqotay meel u dhow xarunta agoonta, halkaasoo ay ku daryeeleysay hooyadeed, sida uu qoray wargeyska Washington post.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in Margret Ruto ay xaafadda ay qoyskeeda daggan yihiin ku aragtay dad badan oo cadheysan kaddib markii labo gabdhood oo 12 jir iyo 14 jir ah ay ka baxsadeen xarunta agoonta, sidaasna ku sheegeen tacaddiga halkaas ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here