Man United vs Everton | Solskjaer vs Ancelotti – Dagaalka Caawa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Rikoodhka Labada Kooxood

0
168

JOWHAR (RadioIsnaay) Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Everton, iyadoo raadinaysa inay hesho inay hesho guul kale iyo bahdil la mid ah kii ay u geysatay Southampton toddobaadkii hore.

Tababare Ole Gunnar SOlskjaer ayay kooxdiisu 9-0 kusoo xasuuqday Southampton, halka Everton oo marti ku ahayd Eland Road oo ay Leeds United ugu tagtay ay lasoo laabatay guul soo laabasho ah.

United ayaa Salaasadii barbarraysay rikoodhkii guusha ee ugu weynaa ee laga soo hooyo horyaalka Premier League, taas oo ay kusoo afjartay laba ciyaarood oo guulo la’aan ahayd oo marna laga badiyey marna ay barbarro gashay, iyadoo dhinac walba kaga timid sagaal ciyaartoy oo caawimo la’aan garoonka dhexdeeda ay ku jiid-jiideen, sagaal goolna ay ka dhaliyeen.

Solskjaer ayaanay kooxdiisu wax naxariis ah u gelin Southampton, waxaana marka laga reebo Anthony Martial oo laba gool dhaliyey, dhamaan inta kale qaybsaday xiddigaha kooxda oo min hal gool isku qoray.

Guushaasi waxay United u keentay inays oo galaan kaalinta labaad ee horyaalka, cagtana ay cagta ugu hayaan Man City oo hoggaanka haysa, halka naadiga horyaalka difaacanaya ee Liverpool ay hoos ugu dhacday kaalinta afraad.

Dhinaca kale, Everton oo farxad la’aan ku ah garoonka Old Trafford ayaa usoo diyaar garoowday sidii ay iskaga maydhi lahaayeen inkaarta ka haysata kulamada ay u tagaan Manchester United. 27 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay Toffees tagtay Old Trafford, waxa laga badiiyey 20 ka mid ah, lix barbarro ah iyo mar kaliya oo ay guuleysatay, waana rikoodh soo taxnaa illaa 1992kii.

Laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa guulo badan ku gaadhay garoonka Old Trafford waqtiyadii uu laylin jiray AC Milan iyo Chelsea, waxaana uu yahay tababaraha labaad ee ugu guulaha badan ee ku xiga Jose Mourinho oo saddex kooxood oo kala duwan isagoo wata mar kasta ku guuleystay Masraxa Riyada.

Ruug-caddaaga Talyaaniga ah ayaa ku kaftamay in Manchester United ay goolasheedii oo dhan iskaga lumisay Southampton oo maalmahan aanay waxba dhalin doonin, balse waxa uu haddana ogsoon yahay in aanay wax fudud ahayn inuu guul kasoo helo garoonkaas inkasta oo ay kooxdiisuna qaab ciyaareed wanaagsan ku jirto.

Everton ayaa xili ciyaareedkan ku fiicnayd kulamada ay bannaanka kusoo ciyaarta, waxaana kaliya kaga guulo badan Manchester United, waxaanu Ancelotti min saddex dhibcood soo qaatay toddoba ciyaarood oo ay marti ahaayeen, waana rikoodhkii ugu fiicnaa tan iyo xili ciyaareedkii 2013-14.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Everton

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Solskjaer ayaa hoos u dhigay walaaca taam ahaansho ee Edinson Cavani iyo Luke Shaw oo labadaba laga saaray ciyaartii Southampton iyagoo juga qaba.

Cavani iyo Martial ayaa ku tartami doona safka hore, waxaase ay u badan tahay in weeraryahanka reer France oo ciyaartii hore kaydka ku jiray uu kusoo laabto safka hore. Waxa kale oo kusoo laabanaya safka hore Paul Pogba.

Ma jiro dhaawac aan ahayn Phil Jones oo ka maqan Manchester United.

Carlo Ancelotti ayaa isaguna rajaynaya in goolhaye Jordan Pickford uu usoo laabto ciyaartan kaddib dhaawac uu ku seegay kulankii Leeds.

Safarka Old Trafford ayaa la filayaa degdeg ku noqdo Allan oo aanu taam u noqonin, halka Jean-Philippe Gbamin uu muddo dheer garoomada ka maqnaanayo.James Rodrigguez ayaa ahaa beddel aan la isticmaalin kulankii Leeds.

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Rashford, Fernandes, Pogba; Martial

Everton: Pickford; Holgate, Mina, Keane, Digne; Doucoure, Sigurdsson; Iwobi, Rodriguez, Richarlison; Calvert-Lewin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here