Walaaca laga Qabo in uu Faafo Fayruska Nipah oo Korortay.

0
215

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Heerka dhimashada ee fayraska Nipah ayaa lagu qiyaasay 75% boqolkiiba, mana laha wax tallaal ah, halka ay dunidu diiradda saareyso Covid-19, balse saynisyahannada ayaa si adag uga shaqeynaya inuusan sabab u noqon dillaacitaanka xanuun kale oo safmar ah.

Waxay ahayd 3-dii January 2020, Supaporn Wacharapluesadee waxay sugeysay inay haweeney umuliso.

Waxaa xilligaa baahay wararka sheegaya in cudur ku dhaca neefmareenka uu saameyn ku yeeshay dadka Wuhan, Shiinaha, waxaana soo dhowaa sannadka cusub ee Shiinaha. Dalxiisayaal badan oo Shiinees ah ayaa aaday dalka deriska la ah ee Thailand si ay ugu dabaal degaan.

Dowladda Thailand ayaa iyadoo taxadar muujineysa bilowday baaritaanka rakaabka ka imaanayay Wuhan, iyadoo sheybaarro yar oo uu ka mid yahay kan Wacharapluesadee – loo doortay in ay baaritaanka sameeyaan.

Wacharapluesadee waxay khabiir ku tahay fayrasyada. Waxay madax ka tahay xarunta caafimadka ee Bisha Cas ee magaalada Bangkok.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxay qeyb ka ahayd hay’adda Predict, oo ah dadaal caalami ah oo wax looga qabanayo xakameynta cudurrada ka soo gudbi kara xayawaanka una gudbi kara bani’aadamka.

Iyada iyo kooxdeeda waxay baaritaan ku sameeyeen xayawaanno badan. Balse diiradda koowaad waxaa la saarayay noolaha fiidmeerta ama kibiliga, oo lagu yaqaanno inuu sababo noocyo badan oo ka mid ah coronavirus.

Kooxdan seynisyahannada waxay awoodeen in ay cudurka ku ogaadaan maalmod gudahood, waxayna garteen kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 ee laga helo meel ka baxsan Shiinaha.

Waxay heleen in fayraskaas lala xiriirin karo nnoocyada coronavirus ee ay hore uga heleen fiidmeerta. Dowladda ayaa warbixintaas goor hore la helay darteed

waxay u suurtagelisay in ay degdeg u karantiisho bukaannada ayna u digto muwaadiniinta.

Dalka Thailand waxaa ku nool illaa 70 milyan oo qof, 3-dii January 2021 wuxuu diwaan geliyay 8,955 oo kiis iyo 65 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here