Liverpool Oo Lagu Garaacay Gurigeeda iyo Brighton Oo Noqotay Kooxdii Labaad Ee Guul Ku Heshay Anfield.

0
258

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa guul-darro kale loogu xambaariyey garoonkeeda Anfield oo noqday meel aanay dadka ka xigin markii labaad xili ciyaareedkan, waxaana 1-0 ku garaacday Brighton oo marti u ahayd.

Gool madi ah oo uu Steven Alzate u dhaliyey Brighton ayaa noqday midka kaliya ee labada kooxood kala saaray, iyadoo ay Liverpool iska lumisay fursado badan oo inta badan uu Mohamed Salah la waayey goolka.

Tababare Jurgen Klopp oo ciyaartan ay kooxdiisu tabaysay Sadio Mane iyo Alisson oo dhaawac iyo xanuun ku kala maqnaa, ayaa waxay garoonka kaga baxeen niyad-jab.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay toddoba dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo ay hal ciyaari ahi baaqi u tahay, taas oo ka dhigan in haddii ay badiso ciyaartaas ay toban dhibcood ka horreyn doonto.

Reds waxa kale oo ay afar dhibcood ka dambaysaa Manchester United oo labaad fadhida, halka Leicester City oo saddexaad soo gashayna ay laba dhibcood ka horreyso.

Shaxdii labada kooxood

Brighton (3-5-2): Robert Sanchez; Ben White, Lewis Dunk, Adam Webster; Solly March, Pascal Gross, Yves Bissouma, Steven Alzate, Dan Burn; Neal Maupay, Leandro Trossard.

Kaydka: Christian Walton, Tom McGill, Michael Karbownik, Aaron Connolly, Adam Lallana, Jakub Moder, Percy Tau, Andi Zeqiri, Jensen Weir.

Liverpool (4-3-1-2): Caoimhin Kelleher; Trent Alexander-Arnold, Nathaniel Phillips, Jordan Henderson, Andy Robertson; Georginio Wijnaldum, James Milner, Thiago Alcantara; Xherdan Shaqiri; Mohamed Salah, Roberto Firmino.

Kaydka: Adrian, Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Konstantinos Tsimikas, Divock Origi, Ben Davies, Rhys Williams, Jake Cain, Neco Williams.

Jurgen Klopp ayaa sameeyey isbeddelo, waxaana si lama filaan ah shaxda kooxda uga maqnaa Alisson oo xanuunanayay, taas oo keentay in Kelleher uu goolka kusoo bilowdo, sidoo kalena waxa afka hore ee weerarka kusoo laabtay Firmino oo ciyaartii West Ham kaydka fadhiyey.

Daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta ayay Liverpool heshay fursad ay gool ku dhalin karaysay, waxaana kubaddaas oo uu helay Mohamed Salah ay ahayd inuu si ka duwan iskugu dayo goolka.

Brighton ayaa sugaysay fursaddeeda ugu horreysa illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 24aad markaas oo Maupay iyo Burn ay isku dhiibeen kubbad ay si xarrago leh u geeyeen goolka, balse waxa kubaddaas oo ay kusii garaaceen Henderson ay ku dhowaadeen inay shabaqa taabtaan. Qaybtii hore ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan 0-0 ah.

Qaybtii labaad oo maraysa bilow ayay Liverpool soo gashay xerada ganaaxa Brighton, waxaana Shaqiri iyo Firmino oo ka wada shaqeeyey ay ugu dambayntii kubaddoodu ku dhamaatay inay ku guuleysan waayaan inay shabaqa taabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here