Barcelona Oo u Gudubtay Semi-finalka Copa del Rey.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa iska xaadirisay semi-finalka tartanka Copa del Rey, waxaana ciyaar ay aad ugu rafaadday oo ay waqti dambe rajadeedu soo noolaatay ay ku garaacday Granada.

Ciyaartan oo illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 88aad ay Granada ku hoggaaminaysay 2-0 ayaa mar kaliya isbeddeshay, waxaana laba daqiiqadood gudahood barbarraha ku keentay Barcelona xilli ay inta badan dadku niyadda gashadeen in laga badiyey oo xataa ay adag tahay inay hal gool la timaaddo.

Granada ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 33aad, waxaana baas qaldan oo uu bixiyey Samuel Umtiti dhexda ka qabsaday Alberto Soro oo usii dhiibay Kenedy oo isaguna shabaqa ku hubsaday.

Barcelona oo ciyaarta 72% maamulaysay ayaa qaybta hore jabin kari weyday derbiga difaac ee ay Granada ka dhistay goolkeeda hortiisa, waxaana fursado aan badnayn oo ay heleen ay ku dhamaadeen natiijo la’aan.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Granada ayaa mar kale ka yaabsatay Barcelona daqiiqaddii 47aad ee bilowga qaybta dambe markaas oo kubbad uu dhinaca ka keenay Angel Montoro uu soo gaadhsiiyey Roberto Soldado oo isaguna meel iskaga xidhay difaaca Barcelona, isla markaana si kalsooni leh kubadda u dhaafiyey goolhaye Ter Stegen.

Tababare Ronald Koeman ayaa sameeyey isbeddel, waxaanu keenay Ousmane Dembele iyo Martin Braithwaite isagoo bannaanka dhigay Trincao iyo Samuel Umtiti, waxaanay taasi keentay inuu sii kordho culayska weerar ee ay ku hayeen Granada oo iyaduna iskugu tagtay difaaca iyo waardiyeynta goolkooda, si ay u ilaashadaan labada gool ee ay la hor martay.

Daqiiqaddii 88aad ayay Barcelona neefi kasoo baxday, waxaana kubbad uu Antoine Griezmann ku qabtay goolka Granada isku sii leexiyey Escandell oo iska dhaliyey, waxaana halkaas uga furantay fursad kooxda martida ahayd.

Granada oo aan gagab goynin ayaa waxay aragtay kubadda oo goolkeeda dhex taalla iyo Barcelona oo dabbaal-degaysa saddex daqiiqadood kaddib goolka hore.

Barcelona ayaa waxa goolkan u dhaliyey Jordi Alba oo noqday xiddiga la baxsaday kooxdiisa, iyadoo uu goolka ku hubsaday kubbadda xiilli ay Granada ay niyad ahaan u jabeen.

Ciyaarta ayaa lagu daray waqti dheeraad ah, si ay u kala baxaan labada kooxood, laakiin 30kan daqiiqadood ayaa ahaa mid ka duwan 90kii daqiiqadood ee hore oo ay labada kooxood kala dhaliyeen saddex gool oo kale.

Antoine Griezmann ayaa daqiiqaddii 100aad hoggaanka u dhiibay Barcelona isagoo dhaliyey kubbad uu ka helay Jordi Alba, hase yeeshee Granada ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay, waxaana saddex daqiiqadood kaddib ay heleen rikoodh uu gool u beddelay Fede Vico, iyadoo ciyaartuna noqotay 3-3.

Frenkie de Jong ayaa daqiiqaddii 108aad si buuxda hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa, isagoo difaaca kala daaday ee Granada ay ka joojin kari waayeen kubadda uu goolkooda ku hubsaday.

Barcelona ayaa xaqiiqsatay inay semi-finalka Copa del Rey u gudubtay daqiiqaddii 113aad, markaas oo gool afraad uu u dhaliyey difaaca bidix ee Jordi Alba oo ahaa xiddiga kooxda ee gool-dhaliyaha iyo caawiyahaba isku ahaa ciyaartan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here