Cristiano Ronaldo Oo Ka Caawiyay Juventus Inay Hal Lug La Gasho Finalka Copa Italiya.

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rigoore iyo gool caadi ah uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa ka caawisay Juventus inay 2-1 ku garaacdo Inter Milan lugtii hore ee semi-finalka Copa Italia oo ka dhacday San Siro.

Labada kooxood waxay Serie A ku kulmeen 16 maalmood ka hor iyadoo Nerazzurri ay 2-0 ku badisay San Siro laakiin kulankaan wuxuu ahaa lugta hore ee semi-finalka Coppa Italia iyadoo lugta labaad ay 9ka bishaan Febraayo ka dhici doonto Turin.

Romelu Lukaku iyo Achraf Hakimi ayaa ganaax kaga maqnaa Inter halka Juventus ay ka maqnaayeen Paulo Dybala iyo Aaron Ramsey.

Inter ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay ka dib kubad ay si cajiib ah uga shaqeeyeen iyadoo Nicolo Barells uu kubada u dhigay Lautaro Martinez oo kaasoo ka leexaday De Ligt ka hor inta uusan ka hoos bixinin Gigi Buffon.

Juventus ayaa rigoore loo dhigay ka dib VAR oo dib u eegis sameysay markii uu Ashley Young qalad ku galay Juan Cuadrado, Cristiano Ronaldo ayaa u soo istaagay islamarkaana gool u sarifay isagoo shabaqa meel kore ka geliyay.

Inter ayaa ka dib hadiyad u siisay Bianconeri goolka labaad ka dib markii ay isfahmi waayeen Alessandro Bastoni iyo goolhaye Samir Handaobic taasoo keentay in Cristiano Ronaldo uu ka faa;ideystay islmarkaana uu kubada ka xado daafaca isagoo shabaqa faaruq ah kubada ku hubsaday.

Arturo Vidal iyo Alexis Sanchez ayaa jaale ka qaatay Inter Milan iyagoo ganaax ku seegi doona kulanka lugta labaad ee Turin.

Buffon oo ciyaarayay kulankiisii 1100aad ayaa si fantastik ah kubad hal ka hal aheyd ka badbaadiyya Matteo Darmain iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Juventus ku badisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here