Barcelona Oo Soo Gashay Kaalinta Labaad Ee La Liga Ka Dib Markii Ay Garaaceen Athletic Bilbao

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa guul adag waxa ay ka  gaareen Athletic Bilbao oo ay uga talaabsadeen  2-1 ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay Athletic Bilbao hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 21-aad ee La Ligaha .

Barcelona qeybtaas hore iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxa ayna heer ahaan gaaraysay 65% balse kubad waliba oo goosha lala aadayay waa laga soo celinayay .

Barca waxa ay qeybtaas hore soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh halka Athletic Bilbao iyana daafac ahaan ay wacnaayeen balse halis gilin kuma aysan sameyneyn Barca

Xilli xaalka sidaas yahay Barca waxaa gool cajiib ah oo Free kick ah u dhaliyay Messi waxa ayna aheyd daqiiqaddii 20-aad

Qeybta labaad , Barca durba waxaa lagu keenay goolka bar bar dhaca waxaana si qaldan isaga dhaliyay Jordi Alba daqiiqadii 49-ad ka dib kubad si cajiib ah loo dhisay

Athletic Bilbao qeybta labaad aad ayay wacnaayeen kubadna ula qeybsanayeen Barca kuwaasi oo mararka qaar fursado laga bad baadinayay waxaana sidaas sameynayay goolhayaha Athletic Bilbao .

Labada koox kubadda waa u furneyd qeybtii labaad inkastoo Barca maraka qaar ku badnaayeen heer dhan 62% ilaa ay ku keeneen gool labaad waxaan dhaliyay Antoine Griezmann daqiiqadii 75-aad ka dib baas uu ka helay Oscar Mingueza

Si waiba waxa ay ciyaartaan adag ku dhamaatay guul ay gaareen Barcelona xilli daqiiqadihii dheeriga uu gool sedexaad u diiday goolyahaha Athletic Bilbao

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here