Atletico Madrid Oo Rikoodh Cusub Dhigtay, Hoggaankana Ku Qabatay 10 Dhibcood.

0
220

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Atletico Madrid ayaa toban dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 4-2 ku garaacday kooxda heerka labaad kasoo dallacday ee Cadiz.

Luis Suarez iyo Negredo ayaa is weydaarsaday min laba gool, iyadoo uu laacibka reer Uruguay xaqiijistay inuu ku tartamayo abaal-marinta Pichichi ee kabta dahabka ah ee LaLiga.

Atletico Madrid ayaa yeelatay 50 dhibcood oo ay ka urursatay 19 ciyaarood oo horyaalka ah, waxaana haddii ay sii waddo guulaheeda ay gaadhi doontaa 100 dhibcood oo ay ku qaadi doonto, iyadoo waliba ay hal kulan u hadhsan yahay xilli ay toban dhibcood ka horreyso naadiyada kusoo xiga.

Tababare Diego Simeone ayaa hiigsanaya in 100ka dhibcood ay gaadhaan, waxaana haddii ay rumeeyaan ay noqon doontaa markii saddexaad ee abid LaLiga la gaadho tiro dhibco intaas le’eg. Sannadkii 2012 ayay Real Madrid gaadhay boqolka dhibcood, waxaana sannadkii xigay ee 2013 soo qabatay Barcelona.

Atletico Madrid ayaan waligeed ka helin horyaalka LaLiga wax ka badan 90 dhibcood, balse markan ayay hayaan raadkii ay ku dhaafi lahaayeen dabarkaas muddada dheer horyaallay.

Los Rojiblancos waxay caawa barbarraysay rikoodhkii ugu wamaagsanaa ee bilowga horyaalka LaLiga, waxaana 50ka dhibcood ee ay heleen u raacda inay dhaliyeen 40 gool halka iyagana laga dhaliyey 10 gool oo kaliya, taas oo ka dhigaysa kooxda ugu weerarka iyo difaaca wanaagsan.

Marka la isku daro shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub, Atletico ayaa ah kooxda dhibcaha ugu badan heshay xili ciyaareedkan, waxaana kulan kasta ay helaysay wax ka badan laba dhibcood iyo badh, marka la isku eego kulamadeeda iyo dhibcaha ay haystaan.

Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirta ayuu farqi badani u dhexeeyaa, waxaana saddexaad iyo afraad ku kala jira AC Milan iyo Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here