Qareennadii Trump ka Difaacayay eedeymaha Aqalka Sare oo Garabkiisa Ka Baxay.

0
348

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in qareennadii madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka difaacayay eedeymaha aqalka sare ay garabkiisa ka baxeen.

Garyaqaannadaasi waxaa ka mid ah Butch Bowers iyo Deborah Barberi oo labaduba ka soo jeeda gobolka South Carolina, waxaana la sheegayaa in si iskood ah ay u go’aansadeen in asyan Trump difaacin.

Mudanayaasha aqalka sare ee ayaa 8-da bisha February ee sanadkan waxa ay cod u qaadi doonaan dacwadda ka dhanka ah Trump.

Xildhibaannada ayaa u codeyn doono in Trump lagu soo oogo iyo in kale dacwad ah in uu dabada ka riixcayay rabshaduhii 6-dii bishan ay taageerayaashiisa ku qabsadeen dhismaha Aqalka Congress-ka.

Wakaaladda wararka AP ayaa sheegtay in Greg Harris iyo Johnny Gasser, oo labaduba ka tirsanaan jiray xafiiska xeer-ilaalinta heer federaal isla markaana ka soo jeeda gobolka South Carolina ayaa iyaguna isaga baxay kooxda garyaqaannada ah ee Trump difaacaya.

Garyaqaannadani ayaa sida la sheegaya diiday in Trump ay ka difaacaan eedeymaha uu wajahayo, sababtuna waxaa lagu sheegay hadalkii Trump ee ahaa in doorashada looga shubtay.

Josh Howard oo isna ah garyaqaan dhawaan uun ku soo biiray kooxdani garyaqaananda ahi ee Trump difaacayay ayaa lagu soo warramayaa in isna uu shaqadaasi isaga tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here