Kulanka Caawa ee Chelsea vs Burnely iyo Tuchel Oo Guushiisii U Horreysay Raadinaya.

0
341

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Thomas Tuchel ayaa raadin doona guushiisii ugu horreysay ee uu Chelsea la gaadho marka maanta ay kooxdiisu garoonka Stamford Bridge kusoo dhoweyso Burnley oo dib usoo karaar qaadatay dhowaanahan.

Kooxdan ka dhisan caasimadda Ingiriiska ee London ayaa barbarro goolal la’aan ah ay ku qabatay Wolves kulankii Arbacadii iyadoo ay ciyaartaasina ahayd tii ugu horreysay ee uu hoggaamiye Tuchel oo shaqada ka beddelay Frank Lampard, balse Burnley ayaa guul weyn kasoo gaadhay Aston Villa oo ay ku garaacday 3-2.

Blues ayaa rikoodh cusub ka dhigtay horyaalka Premier League kulankii Wolves, waxaanay isku-dhiibtay baasaskii ugu badnaa muddo 18 sannadood ah, waxaase isbeddelo badan oo uu sameeyey Tuchel ay awoodi waayeen inuu guul ku bilowdo waayihiisa Premier League.

Iyadoo ah ciyaartiisii labaad ee Premier League oo waliba garoonka Stamford Bridge uu markiisii labaad ku ciyaarayo, Blues waxay fursad u haysataa inay hesho saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey ka hor inta aanay bannaanka uga bixin qalcaddeeda, laakiin niyad-jabka ay kooxdu kusoo jirtay toddobaadyadii ugu dambeeyey ayay wali muuqataa inay ciyaartoydu lasii qalbi-jabsan yihiin.

Liverpool, Fulham iyo Aston Villa ayay kasoo badisay Burnley, waxaanay doonayaan in Chelsea ay xeeladdii oo kale ku tijaabiyaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Burnley

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 3:00pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here