Isku Aadka Wareega 8da Copa del Rey Oo La Soo Saaray.

0
263

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isku aadka wareega sideed dhamaadka Copa del Rey ayaa la soo saaray goor dhaweyd ka dib markii la soo gabagabeeyay wareega 16ka horaantii todobaadkan.

Barcelona ayaa ku soo aaday kooxda Granada oo semi-finalka gaartay xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay soo reebeen Rayo Vallecano iyo Cornella wareegyadii hore.

Real Betis ayaa martigelineysa kooxdii finalka gaartay ee Athletic Bilbao halka Levante ay martigelin doonto Villarreal kulan kale oo xiiso leh.

Kulanka kale ee wareega sideed dhamaadka waa Derby Anduluusiya iyadoo Sevilla oo ugu cadcad koobkaan ay u safri doonto kooxda heerka labaad ee Almeria kuwaasoo soo reebay durbaba labo kooxood oo La Liga ah.

Iyadoo Atletico Madrid iyo Real Madrid lagu soo reebay wareegyadii hore, isku aadkaan waa mid aad u furan iyadoo koox walba ay fursad u heysato hanashada koobka.

Kulamada wareega 8da waxaa la dheeli doonaa 2da ilaa 4ta bisha Febraayo halka Semi-finalka oo labo lug ah la ciyaari doono 9-10 Febraayo iyo 2-3 Maarso.

Isku Aadka Wareega 8da Copa del Rey:

Granada v Barcelona

Real Betis v Athletic Bilbao

Levante v Villarreal

Almeria v Sevilla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here