Wasiirka Waxbarashada kenya oo Dalbaday in La soo Celiyo Sharciga Garaacista Ardayda.

0
215

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka waxbarashada Kenya, George Magoha, ayaa ku taliyay in dib loo soo celiyo ciqaabta ardayda loogu geysto iskuullada, si loo edbiyo.

Tiro iskuullo ah ayaa albaabada loo laabay kadib rabshado ay sameeyeen ardaydii dhiganeysay, waxaana ay laamaha ammaanka gacanta ku dhigeen tobanaan arday ah oo loo haysto inay ka dambeeyeen rabshadahaas.

Hadalka wasiirka ayaa hareermarsan siyaasadda dowladda ee ku aaddan xuquuqda waxbarashada ee carruurta.

Dastuurka Kenya qodobkisa 191 ayaa dhigaya in “ardayga dembi gala aan jir ahaan la xanuunjin karin si loo ciqaabo.”

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in hawlwadeenno ka socda wasaaradda caafimaadka ay dhawaan booqan doonaan goobaha waxbarashada si ay ardeyda uga baaraan daroogada, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in isticmaalka maandooriyaha uu sabab u yahay rabshadaha ay geystaan ardayda.

Waaxda Dembi Baarista Kenya ayaa dhawaan shaacisay inay keydin doonta xogta ardayda dembiyada gala xilliga ay waxbarashada ku guda jiraan, si loogula xisaabtamo mustaqbalka.

“Waxaan kala shaqeyneynaa Waaxda Dembi Baarista in baaritaan lagu sameeyo carruurta dembiyada gala, xitaa marka ay iskuullada ka baxaan,” ayuu yiri wasiir Magoha.

Waxa uu intaa raaciyay in edeb-darada ay carruurta kala yimaadaan guryaha ay qeyb ka tahay rabshadaha ay ka geystaan iskuullada, isagoo sheegay in waalidiinta qaar marka carruurtooda iskuullada laga soo ceyriyo ay u dacwoodaan maxkamadaha sharciga.

Todobaadkii la soo dhaafay, dhowr iskuul oo ku yaal qeybo kala duwan oo Kenya ah ayaa dab la qabadsiiyay, falalkaas oo inta badan dhaca marka uu soo dhaw yahay imtixaanka qaranka.

Kenya ayaa goobaha waxbarashada si buuxda dib ugu furtay horraantii bishan, kadib 9 bilood oo ay u xirnaayeen cudurka safmarka ah ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here