Man United Oo Gurigeeda Lagu Tumay & Man City Oo Hadiyad Qaali Ah Heshay.

0
225

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa lagu garaacay gurigooda Old Trafford islamarkaana loo diiday inay hogaanka Premier League ku soo noqdaan ka dib markii ay guuldaro 2-1 ka soo gaartay kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Sheffield United oo marti u aheyd.

Sheffield ayaa hogaanka la hormartay qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uusan Maguire u barbareynin Man United laakiin waxaa guusha u xaqiijiyay kooxda Sheffield Burke oo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Natiijadaan ayaa ka dhigan inay hogaanka horyaalka u weysay Manchester City oo hal dhibic uga heysa islamarkaana uu kulan u sii harsan yahay. Waana guuldaradii ugu horeysay ee Man United soo gaarta tan iyo 1dii bishii November.

Man United iyada ayaa heshay fursadii ugu horeysay ciyaarta markii uu Marcus Rashford uu darbo dhulka ku socotay ku sigay goolka isagoo karoos ka helay Wan-Bissaka.

Laakiin Sheffield United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 23aad ka dib koorno uu soo qaaday John Fleck uu madax ku dhaliyay Kean Bryan oo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Premier League.

Nusa saac markii ay socotay ciyaarta Man United ayaa shabaqa soo taabatay laakiin goolka uu dhaliyay Martial ayaa la diiday madaama kubada ay ka soo baxsatay goolhayaha markii uu Maguire ku dhacay goolhayaha.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Sheffield United ku hogaamineysay, waana markii ugu horeysay ee ay Sheffield United hogaamisay ciyaar Premier League ah qeybta hore xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa cadaadis saartay kooxda martida aheyd qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo raadinayay goolka barbaraha laakiin fursadahooda xadiday daafaca iyo goolhayaha Sheffield United.

Ugu danbeyn daqiiqadii 64aad ayay Man United heshay goolka barbaraha ka dib markii koorno uu soo qaaday Alex Telles uu madax ku dhaliyay kabtan Harry Maguire kaasoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Old Trafford.

Laakiin Sheffield United ayaa hogaankeeda soo ceshatay toban daqiiqo ka dib iyagoo hogaanka la wareegay daqiiqadii 74aad markii ay Man United soo bandhigtay daafac xumo aad u weyn.

Kubad ay iska bixin waayeen ayaa keentay in Burke uu darbo xoog leh goolka ku tuuro iyadoo ay ku sii dhacday Tuanzebe ka hor inta aysan dhaafin goolhaye De Gea oo aysan ku dhicin birta ka dibna ku nasanin shabaqa.

Sheffield United kaliya labo jeer ayay labo gool dhalisay kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here