Kulanka Caawa ee Tottenham vs Liverpool – Rikoodhka Jose & Klopp, Dagaalka Caawa.

0
242

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tottenham iyo Liverpool ayaa caawa albaabada iskugu xidhan doona garoon madhan oo aanay wax taageereyaal ahi joogin, waxaanay u dagaallami doonaan sidii ay mid walba u heli lahayd saddexda dhibcood, si ay sare ugu kacaan oo ay ugu dhowaadaan Manchester City oo hoggaanka horyaalka si buuxda ugala wareegtay Man United iyadoo waliba hal kulan baaqi u yahay.

Labadan kooxood oo bilowgii xili ciyaareedka loo saadaalinayay inay horyaalka ku guuleysan karayaan, waxay la kulmeen guul-darrooyin iyo natiijooyin aan la jeclaysanin, laakiin kulankooda caawa ayaa dib usoo noolayn doona midkooda guushu raacdo, halka tan kalena ay geli doonto hoos u dhac iyo meel ay adag tahay inay kasoo hungurayso horyaalka.

Jose Mourinho oo si cajiib ah iskugu habaystay Tottenham ayay in muddo ah kooxdiisu hoggaanka haysay, balse waxa ka beddeshay Liverpool oo iyadana jugo waaweyni soo gaadheen, taas oo keentay in labadooduba ay hoos ugu dhacaan kaalmaha shanaad iyo lixaad.

Kooxda garoonkeeda joogta ee Spurs waxay ciyaartii ugu dambaysay kasoo hoysay guul weyn iyadoo 4-1 ku garaacday naadiga yar ee Wycombe Wanderers oo ay FA Cup ku kulmeen, balse Liverpool ayaa qalbi-jab iyo guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Manchester United oo ay ugu tagtay Old Trafford, taas oo kusoo xambaarisay saddex gool, halka iyaguna ay la yimaaddeen laba gool, sidaana waxay kaga hadheen FA Cup.

Ndombele ayaa wacdaro dhigay ciyaartii ugu dambaysay waxaanu dhaliyey laba gool oo qurux badan, halka uu mid kalena si xarrago leh uga shaqeeyey, waxaana cajiib ahayd inuu waliba waqti dambe soo galay garoonka, iyadoo ay guushanna u ahayd tii shanaad ee Tottenham kasoo hoyso lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, waxaanay waqtigaas kooban ku dhaliyeen 18 gool, halka iyagana saddex kaliya laga dhaliyey.

Tababare Jose Mourinho ayay ka go’an tahay inuu iska dhiciyo tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa oo saddexdii jeer ee ugu dambeeyey ee ay iska hor yimaaddeenba guul-darrooyin u xambaariyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here