Akhriso: Magacyada Liiska Guddiga Doorashada Jubbaland iyo Puntland oo lagu Dhawaaqay.

0
293

JOWHAR (Radio Isnaay) Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa shaaciyay liiska Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed iyadoo arrintan ay ka mid aheyd shuruudihii ku hor-gudbanaa shir dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Guddiga la soo magacaabay ayaa ka kooban 8 xubnood oo labada dhinac ah oo ah kuwa Heer Dowlad Goboleed.

Magacaabida Guddiyadan ay soo gudbiyeen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka dhigan in Ajandaha shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu qeyb ka noqon doono Xalinta Qodobada lagu muransan yahay ee Hortaagan Doorashada .

Liiska Guddiga Doorashada Jubbaland iyo Puntland ayaa kala ah:-

Guddiga Jubbaland

1- Siyaad Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Samsam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi

Guddiga Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Sikastaba Ha,ahaatee Guddiyadaan ay soo Magacaabeen Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa Iftiiminaya Rajo ah in Doorasho ay kadhacdo Dalka Islamarkaana ay kaqeyb qaataan Dhammaan Maamul Goboleedyada Kajira Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here