Tirada Kiisaska Koroona Feyruska Caalamka oo Kor u Dhaaftay 100 Milyan.

0
211

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tirada dadka qaaday ama uu ku dhacay xanuunka safmareenka ah ee Karoona ayaa gaaray 100 million oo qof adduunka oo dhan sida lagu sheegay xog ay baahisay jaamacadda Johns Hopkins.

Warbixintaan oo aad u dheer waxaa lagu sheegay in dalalka Maraykanka, Hindiya iyo Braasil ay yihiin wadamada uu xanuunkaan sida daran u saameeyay dadkiisuna la daalaa dhacayaan.

Tirokoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay 26 bishaan ayaa lagu sheegay in Maraykanka, Hindiya, Baraasiil iyo Rushka ay yihiin 5,ta wadan ee adduunka sida weyn u saameeyay xanuunka dillaaga ah ee Karoona.

Dadka ka bogsaday waxaa la sheegay inay gaarayaan 55 million oo qof halka ay 2 million oo kalena ay u geeriyoodeen.

M/weynaha cusub ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa sheegay inay hadda qorshaynayaan inay iibsadaan qiyaastii 20 million oo xabbo oo tallaallka Karoona ah si ay dadkooda u siiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here