Manchester City oo Ciqaab Adag Marisay Dhiggeeda West Brom.

0
247

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester City ayaa la wareegtay hogaanka Premier League ka dib markii ay 5-0 ku xasuuqeen kooxda West Brom oo marti loo ahaa iyadoo kooxda Pep Guardilola ay hogaanka kala wareegtay kooxda deriskooda ee Man United iyagoo ku qabtay hal dhibic.

Man City ayaa ciyaartay kulamo la mid ah inta ay dheeshay Man United oo ah 19 kulan waxayna haatan ku fariisteen hogaanka Premier League iyagoo leh 41 dhibcood halka Man United ay leedahay 40  dhibcood iyadoo Leicester oo 19 kulan iyadana ciyaartay ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo leh 38 dhibcood.

Lix daqiiqo ayay ku qaadatay Man City inay hogaanka u qabato ciyaarta iyadoo Ilkay Gundogan uu shabaqa u soo taabtay kubad uu caawiye ka ahaa Joao Cancelo kaasoo isna goolka labaad saxiixay ka dib kubad uu u soo dhigay Bernando Silva iyadoo goolka looga shakiyay offside balse markii danbe VAR ay ansixisay.

Waa goolkii ugu horeysay ee uu daafaca garab u dhaliyay Manchester City. Gundogan ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii seddexaad ee Man City isagoo si wacan u buuxiyay booska sagaalka beenta ah waana goolkiisii 7aad ee xilli ciyaareedkan.

Daqiiqadii 2aad ee waqtigii yaraa ee lagu daray qeybtii hore ayay Man City dhalisay goolkii afaraad uu saxiixay Riyad Mahrez iyadoo lagu kala nastay 4-0 oo ay Man City hogaanka ku heysay.

Daqiiqadii 57aad ee qeybta labaad ee ciyaarta Raheem Sterling ayaa ku soo biiray gooldhalinta isagoo caawin ka helay Riyad Mahrez.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 5-0 oo ay Man City ku xasuuqday West Brom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here