Kulanka Caawa ee Manchester United vs Sheffield United iyo Red Devils Oo U Dagaallamaysa Hoggaanka Horyaalka.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u dagaallami doonta inay kusoo noqoto hoggaanka horyaalka Premier League oo ay xalay si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtay Manchester City, waxaana Ole Gunnar Solskjaer uu u baahan yahay inay guul weyn ka keenaan kulanka ay ku qaabbilayaan Sheffield United si ay booskoodii ugu soo laabtaan.

Red Devils ayaa soo qaadatay kulamo waaweyn oo ay natiijooyin farxadle kasoo hoysay, waxaanay laba ciyaarood oo isku-xigay marna ka badisay marna barbarro lasoo gashay Liverpool, laakiin dhibcihii ay United ku lumisay Anfield waxay fursad u noqdeen City oo hadda hal dhibic ku hoggaaminaysa inkasta oo ay Manchester United booskeeda ugu soo laaban doonto haddii ay guul keento kulanka Old Trafford ee caawa.

Manchester United oo xili ciyaareedkan ku riyoonaysa inay hantiyi doonto horyaalkeedii ugu horreeyey tan iyo intii uu ka tegay Sir Alex Ferguson, ayaa waxay wacdaro ka dhigaysay dhamaan tartamada iyadoo 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya laga badiyey, sagaal jeer oo ay badisay iyo saddex barbarro ah.

Marka horyaalka oo kaliya laga eego, United 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey lagama badinin, waana sababta ay usbuucyadii ugu dambeeyey hoggaanka horyaal u haysay ka hor intii aanay Man City xalay sida ku meel-gaadhka ah ugala sii wareegin.

Guul ay ka keenaan Sheffield United, waxay Manchester United siin doontaa inay mar kale hoggaanka horyaalka ku qabtaan laba dhibcood oo ay ka horreyn doonaan deriskooda Man City.

Dhinaca kale, kooxda martida ah ee Sheffield United ayaa ku jirta xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa, waxaana inkasta oo ay usoo gudbeen FA Cup oo ay kusii jiri doonaan ay haddana fadhiyaan sagxadda ugu hoosaysa horyaalka, waxaanay shan dhibcood oo kaliya ka haystaan 57 dhibcood oo ay suurtogal ahayd inay helaan.

Tababare Chris Wilder ayaa lagu qoray buugga xun ee taariikhdii ugu liidatay ee kooxdu ka keento Premier League, waxaana uga sii daran rikoodhka xun ee ka yaalla Old Trafford oo ay ugu dambaysay inay guul ka keenaan August 1975kii.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Sheffield United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here