Itoobiya oo War ka soo Saarta Xaaladda Caafimaad ee Reysal Wasaare Abiy.

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa dadka isticmaala baraha bulshada uga digay wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kaasoo aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha 44 jirka ah.

NISS ayaa sheegtay in wararka noocaas ah ay khalkhal galinayaan amaanka waddanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”.

Bayaan ay soo saareen saraakiisha taliska laanta sirdoonka, oo lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in dadka baraha bulshada warka ku saabsan caafimaadka Abiy Axmed ku faafinaya ay si khaldan u isticmaalayaan xuquuqdooda xorriyadda hadalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen in cawaaqib xumo laga dhaxli karo arrimahaas.

Hadalka kasoo yeedhay hayadda sirdoonka ayaa daba socday warar aan la xaqiijinin oo ku aaddan nolosha Abiy Axmed.

Markii ugu dambeysay ee uu Dr Abiy Axmed kasoo muuqdo fagaare waxay ahayd markii ay taariikhda uu waddankaas isticmaalo ku beegneyd Talaadadii, 13-kii bishii December, 2013.

Hase yeeshee waxay ahayd labo isbuuc ka hor, oo ah horaantii bishan January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here