Frank Lampard Oo Baaga muundo nimadii Dib ugu Laabtay Kadib Markii ay Chelsea Ceyrisay.

0
234

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Frank Lampard ayaa hadlay markii ugu horeysay ka dib markii laga ceyriyay shaqada tababare ee Chelsea.

Halyeeyga kooxda ahna xiddigii abid ugu goolasha badnaa ayaa la ceyriyay iyadoo xilli ciyaareedkii labaad oo kala bar u maraya.

Isagoo aamusnaantii ka baxay, Lampard oo 42 sanno jir ah ayaa yiri: “Waxay ii aheyd sharaf iyo farxad weyn inaan tababaro Chelsea, koox qeyb weyn ka qaadatay nolosheyda.

“Markii ugu horeysa waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo taageerayaasha oo si weyn ii garab istaagay 18kii bilood ee la soo dhaafay. Waxaan rajeynayaa inay ogyihiin waxa ay ila micno tahay taageeradooda.

“Markii aan qabtay shaqada kooxda waan fahamsanaa howsha i hortaala inay adag tahay.

“Waan ku faanayaa guulihii aan wada gaarnay, waan ku faanayaa ciyaartoyda akadeemiga ee horumarka weyn sameeyay una soo dalacay kooxda koowaad, kuwaasoo si fiican u dheelay.

“Iyaga ayaa ah mustaqbalka kooxda.

“Waan ka niyadjabsanahay inaan helin waqti aan kooxda xilli ciyaareedkan ku horumariyo oo aan heer kale ugu qaado.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo Mr Abramovich, maamulka kooxda, ciyaartoyda iyo shaqaalaheyga tababarka iyo cid walba oo kooxda joogta ah oo qabatay shaqo adag gaar ahaan waqtigaan adag.

“Waxaan u rajeynayaa ciyaartoyda iyo kooxda guul walba mustaqbalka.”

Lampard oo seddex koob oo Premier League iyo hal Champions League la qaaday Chelsea markii uu ciyaaryahan ahaa ayaa tababare kooxda looga dhigay sannadkii 2019.

Wuxuu ku hogaamiyay Blues afarta sarre iyo finalka FA Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.

Laakiin ka dib markii uu qarashgareeyay in ka badan 200 milyan ginni islamarkaana ay kooxda ka dhacday kaalinta 9aad ee Premier League waa la ceyriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here