FAO oo Quus ka Taagan Ladagaalanka Ayaxa Bariga Afrika.

0
261
FAO logo - left-P279-outline text-three line-en

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa sheegtay in diyaaradaha ay kula dagaallamaan ayaxa Bariga Afrika ay qarka u saaranyihiin in ay howlgab noqdaan haddii aanay helin dhaqaale degdeg ah.

FAO ayaa codsatay in lala soo gaaro dhaqaale dhan 38 milyan oo dollar oo ay ku dhaqaajiso howlaha la dagaallanka ayaxa gobolka.

Mowjado ayax ayaa madhiyay dalaggii beeraha ee Dalalka Itoobiya iyo Kenya taasi oo halis gelisay nolosha malaayiin qof oo horay ula daalaa dhacayay saamaynta xanuunka Covid-19 iyo daadadka culus ee ay sababeen roobabka.

Ayax aad u farabadan oo ku habsaday dalagga beeraha Itoobiya ayaa sanadkan baabi’iyay dhul beereed aad u ballaadhan.

Qiimayntii ugu Dambeysay ee ay samayso FAO ayay ku sheegtay in ayax raxan raxan u socda uu ku duulay 11 ismaamul oo ka tirsan dalka Kenya sidoo kalena kusii wajahanyahay dalka Tanzania.

Duullaanka ayaxa ee haatan socda ayaa ah kii saddexaad ee sanad gudihiisa waxyeelleeya dalagga gobolka.

Taranka ayaxa waxaa qeyb weyn ka qaatay duufaantii Gati oo sahashay in uu si xad dhaaf ah u tarmo.

Buufintii ayaxa ee diyaaradaha FAO ayay hay’addu sheegtay in ay khasaare ka  badbaadisay ilaa 1.2 bilyan oo dalag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here