11ka Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Horyaalka Serie A Ilaa Iyo Haatan Oo La Shaaciyay.

0
277

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku iyo Luis Muriel ayaa lagu soo daray shaxda xiddigaha ugu fiican horyaalka Serie A madaama la gaaray kala bar xilli ciyaareedka, iyadoo xiddiga AC Milan Theo Hernandez loo magacaabay daafaca bidix ee ugu fiican.

Shirkada uruurisa xogta kubada cagta ee Opta ayaa soo saartay 11kii xiddig ee ugu fiicnaa horyaalka Serie A qeybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Goolhayaha Hellas Verona Marco Silvestri ayaa noqday goolhayihii ugu fiicnaa horyaalka Talyaaniga ilaa iyo haatan. Kooxda Hellas Verona iyo Juventus ayaa heysta rikoodhka daafacasho ee ugu fiican Serie A ilaa iyo haatan iyadoo laga dhaliyay kaliya 18 gool.

Goolhayaha Talyaaniga wuxuu shabaqa ilaashaday shan jeer 19 kulan uu ciyaaray.

Daafaca waxa uu ka sameysan yahay ciyaartoyda Juventus, Milan iyo Inter. Danilo ayaa ah daafaca midig ee ugu fiican halka Theo Hernandez uu noqday daafaca bidix ee ugu fiican Serie A. Daafacyada dhexe ee Inter Milan Stefan de Vrij iyo Milan Skiniar ayaa dhameystiray daafaca.

Marcelo Brozovic iyo Franck Kessié ayaa ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee ugu fiican qeybta hore ee xilli ciyaareedka Serie A iyadoo uu ku wehliyo xiddiga Udinese Rodrigo De Paul.

Cristiano Ronaldo, Luis Muriel iyo Romelu Lukaku ayaa ah weeraryahanada ugu fiican horyaalka Serie A ilaa iyo haatan sida ay sheegtay Opta oo uruurisay xogta Serie A.

Waxaa meesha laga saaray weeraryahanka waayo araga ah ee wacdaraha u dhigay AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic oo dad badan ay ku doodayaan inuu mudnaa inuu ka soo muuqdo shaxdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here