Xaaskeyga waxay mataano dhashay annagoo ka dhuumaneyna ciidanka’

0
197

JOWHAR (Radio Isnaay) Nin aabbe ah ayaa BBC-da u sheegay in xaaskiisa ay ku khasbanaatay inay labo gabdhood oo mataano ah ku umusho goobtii ay uga dhuumanayeen ciidamada milatariga ah, maadaama uu dagaal arxan darro ah ka socday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Maalmo kaddib hooyadi way geeriyootay isaguna wuxuu ugu dambeyn mataanihii ku riday sallad wuxuuna ula qaxay dalka dariska la ah ee Suudaan.

Isagoo ay sidoo kale la socdaan wiilkiisa oo shan jir ah iyo seeddigiis oo 14 jir ah ayuu hadda ku sugan yahay xero qaxooti, halkaasoo dhakhtarad u dhalatay Mareykanka ay uga caawineyso caafimaadka mataanaha.

Dagaalkii salka ku hayay gacan ku heynta gobolka Tigray – oo ku yaalla bartamaha xaruntii ilbaxnimada dadkii hore ee Aksum – ayaa hadda ku jira bishii saddexaad.

Xoogagga xisbiga xoreynta shacabka Tigray ee TPLF iyo milatariga Itoobiya ayaa ku dagaallamaya halkaas, xilli ay aad u kacsan yihiin xiisado qowmiyadeed.

Dagaalka waxaa ku barakacay qiyaastii labo milyan oo ruux, kuwaasoo ku dhawaad 60,000 oo ka mid ah ay u carareen dhinaca waddanka Suudaan.

Qof walba oo qaxay wuu hayaa sheeko u gaar ah – oo ku saabsan sidii uu dareemay markii uu maqlay dhawaaqa rasaastii ugu horreysay; sida ay dadku isugu qariyeen godadka xilli ay bambooyin iyo madaafiic dhacayeen, iyo sidii rasaasta loola dhacay looga kufsaday.

Dad badan ayaa sidoo kale xasuusan sida ay ugu suuragashay in ay dhowr maalmood sii safraan, iyagoo aan heysanin cunto iyo biyo, ujeeddadooda kaliyana ay ahayd in ay gaaraan meel ay ku badbaadi karaan.

Haddaba tani waa sheekada ninka ay xaaskiisa ka geeriyootay ee lagu magacaabo Abraha Kinfe:

Da’deydu waa 40 sano. Xaaskeyga dhimatay, oo lagu magacaabi jiray Letai Tsegay, waxay ahayd 29 jir. Waxaan isguursannay 13 sano ka hor, saddex carruur ah ayaana lahayn.

Waxaan ku noolaan jirnay dhuul baaro ah oo u dhow magaalada Mai-Kadra ee galbeedka gobolka Tigray. 10-kii bishii November, ciidamada federaalka ayaa soo galay deegaankeenna, wayna sii dhaafeen gurigeenna.

Ma aysan ku baraarugin inaan annagu halkaas joognay. Neefta ayaa naga soofuqday

Galbeedka Tigray wuxuu ka mid ahaa deegaannadii ugu horreeyay ee uu dagaalka saameeyay

Kaddib waxaan tagnay keymaha gurigeenna u dhow si aan ugu dhuumanno annaga iyo afar kale oo dariskeenna ah. Xaaskeyga waxaa hayay xanuun aad u daran oo fool ah, laakiin aad baan uga cabsanayay inaan u qaado xarunta caafimaad ee ku taalla magaalada Mai-Kadra.

Xaaskeyga waxay duurka ku umushay labo gabdhood oo mataano ah iyadoo ay caawinayeen labo haween ah oo halkaas nagula dhuumanayay. Nasiib wanaag ayey ku dhacday taas.

Maalintaas galinkeedii dambe, dib ayaan ugu laabannay gurigeenna. Nasiib darro, waxaa muro lahayd in Letai aysan heli karin daawo. Ma aysan heli karin isrbadda ka joojin lahayd dhiig baxa. Qiyaastii 10 maalmood kaddib, Letai way geeriyootay.

Aad baan u qalbi jabay. Annaga iyo afar qof oo dariskeenna ah ayaa ku aasnay beerteenna dhexdeeda.

Waxaa fiicnaan lahayd inay suurogal ii ahaan lahayd inaan u qaado xarunta caafimaadka, laakiin xilligaas xaaladdu way qasneyd magaalada dadkuna waxay u cararayeen si ay naftooda u badbaadiyaan. Magaaladu wali waa meel ay meydad ka buuxaan.

Shan sano ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan kasoo guurnay magaalada Metama [oo ku taalla gobolka dariska ah ee Amxaara] sababo la xiriira dagaallo qowmiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here