Dowladda Britain oo Shaacisay in Tallaalka Covid-19 uusan Daamanad Buuxda lahayn.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalal badan oo caalamka ayaa bilaabay tallaalka feyraska corona, kaas oo la aaminsan yahay in uu dadka siinayo adkeysi difaaca jirka ah haddii uu ku dhaco feyraska corona.

Tan iyo markii la bilaabay tallaalka, waxaa soo baxayay su’aalo badan oo ay kamid tahay in haddii qofka la tallaalo uu ku dhaco xanuunka uu sii qaadsiin karo qof kale.

Balse khubaro arimaha caafimaadka oo u dhashay dalka Britain, ayaa sheegay in haddii qofka la tallaalo, xanuunkana uu ku dhaco uu sii qaadsiin karo dadka kale, sidaas darteedna dadka looga baahan yahay inay guryaha ku nagaadaan.

Ku xigeenka madaxa caafimmaadka ee England, Prof Jonathan Van-Tam ayaa sheegay in dadka England looga baahan yahay inay taxadar sameeyaan.

Mr Jonathan oo maqaal ku qoray wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalkaas, ayaa sheegay in cullimada seyniska ilaa iyo hadda aysan ogeyn sida uu tallaalka u xakameyn karo faafidda feyraska.

Tallaalka ayuu sheegay in uu yahay “rajo” balse loo baahan yahay in heerka kiisaska hoos loo dhigo.

Wasiirka caafimmaadk ee UK, Matt Hancock ayaa BBC-da u sheegay, in 75- boqolkiiba dadka ay da’doodu ka sareyso 80 la tallaalay. Dadkan ayaa labada jeer la kala siiyay labada nooc ee tallaalka ee kala ah Pfizer-BioNTech iyo tallaalka jaamacadda Oxford ee AstraZeneca.

Mr Mat, ayaa sidoo kale sheegay in saddex meelood laba meel dadka ka shaqeeya goobaha dadka lagu xannaaneeyo la tallaalay, dhawaanna kuwa kale la tallaali doono.

Wuxuu intaa raaciyay “in tallaalka boqolkiiba boqol uusan damaanad qaadeynin waxtar buuxa”.

“Xitaa hadii aad qaadato labada nooc ee tallaalka, waxaa laga yaabaa in aad qof kale qaadsiiso xanuunka”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Inka badan 5.8 milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska, ayaa helay wajiga koowaad ee tallaalka, sida ay sheegtay dowladda. Hey’adda caafimmaadk UK ee NHS ayaa sheegtay, in xarumo cusub oo laga bixiyo tallaalka laga furayo guud ahaan England, laga bilaaba maalinta isniinta.

Xarumhan cusub oo gaaraya 32 ayaa ahmiyadda waxaa la siin doonaa shaqaalaha caafimmaadka, dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo kuwa qaba xanuunada daran.

Waxaa kale oo ay Britain sheegtay in dhawaan ay hirgelin doonaan xaruma kale oo gaaraya 49, 70 farmashiyo, kun xarumo caafimmaad iyo 250 isbitaal, kuwaas oo dhammaantood ay dadka ka qaadan doonaan tallaalka.

Wasiirka koowaad ee Scotland, waxay sheegtay in inkabadan saddex meelood meel dadka ay da’doou ka sarreyso 80 ay qaateen wajiga koowaad ee tallaalka.

Prof Van-Tam waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida Britain ay u qabto “in kiisaska hoos loo dhigo sida ugu dhakhsiyaha badan inta tallaalka la siinayo dadka nugul”.

Sida laga ogaaday xogta dowladda, waxaa xaaladda aad u liidata ku sugan 4,076 oo qof, kuwaas oo isbitaalada Britain jiifa, ayna ku rakiban yihiin qalabka neefta dadka ka caawiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here