Kulanka Caawa ee Elche vs Barcelona  iyo Blaugrana Oo Messi La’aan Ah, Booska Ay Geli Karaan.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa isku dayi doonta inay ka dhigto kulankii afraad oo xidhiidh ah oo horyaalka La Liga ah ee ay guul gaadho marka ay caawa u safarto dhigeeda dhibaataysan ee Elche.

Barcelona ayaa ahayd mid guulo soo gaadhaysay kulamadii ugu dambeeyay balse kooxda martida loo yahay caawa ee Elche ayaan ahayn mid wax guul ah gaadhay ilaa bishii October ee sanadkii hore.

Barca oo uu kulankiisii ugu dambeeyay ee labaad kaadh casaan ah ku maqnaanayo kabtankeeda Lionel Messi ayaa haddii ay saddexda dhibcood wada hesho ciyaartan ku laaban doonta booska 3-aad oo ay Sevilla oo xalay guul gaadhay kasii gashay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Ivan Marcone ayaa ka maqnaa Elche kulankii ay bar-bardhaca 2-2 ah lasoo gashay Real Valladolid balse khadkaas dhexe ayaa diyaar u ah kulanka caawa.

Da’yarka daafaca midig ee Barcelona ee Sergino Dest ayuu shaki ku jiraa haddii uu qayb ka noqon doono kulankan kaddib dhaawac bawdada ah halka Gerard Pique, Philippe Coutinho, Sergi Roberto iyo Ansu Fati ay dhammaan maqnaan doonaan.

Oscar Mingueza ayaa markale daafaca midig kusoo bilaaban doona halka maqnaanshaha Messi uu Martin Braithwaite u sahlayo inuu weerarka kula midoobo Ousmane Dembele iyo Antoine Greizmann.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Elche (3-4-3): Badia; Verdu, Gonzalez, Josema; Barragan, Marcone, Guti, Mojica; Rigoni, Boye, Josan

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Mingueza, Araujo, Lenglet, Alba; de Jong, Busquets, Pedri; Griezmann, Braithwaite, Dembele

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Martinez Valero

Wakhtiga: 6:15 fiidnimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here