Ibrahimovic Oo Ku Jees-Jeesay Xiddigii Xalay Milan Dhulka La Jaray & Fal-Celintiisii.

0
303

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hoggaamiyaha weerarka AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa u muuqday mid isku dayaya inuu ku jees-jeeso weeraryahanka kooxda Atalanta ee Duvan Zapata kaas oo kamid ahaa xiddigihii xalay dhulka ku jiiday hoggaamiyayaasha Serie A.

Atalanta ayaa 3-0 kaga adkaatay Milan oo ay kusoo booqatay gegida San Siro kaddib goolal ay ka kala heshay daafaca dhexe ee Romero, Ilicic iyo Duvan Zapata qudhiisa.

Weeraryahanka ree Colombia ayaa gool dhalinta kulankaas ee kooxdiisa dhammaystiray daqiiqadii 77-aad kaddib kubad uu si fiican u dhammaystiray oo uu daba mariyay goolhaye Donnarumma.

Dhammaadkii kulanka, Zlatan Ibrahimovic ayaa isku dayay inuu ku dheel-dheelo Zapata isaga oo ka maraya dhinaca waayihiisa ciyaareed isla markaana erayo jees-jees ah ku tuuraya.

“Waxaan dhaliyay goolal ka badan kulamada aad ciyaartay waayahaaga ciyaareed oo dhan” ayuu Ibrahimovic ku yidhi 29 sano jirka Atalanta.

Intaas kaddib Duvan ayaa gabi ahaanba inkiray hadalkaas isaga oo kasii jeedsaday kana dhaqaaqay Ibrahimovic isla markaana ugu dambayn garoonka kala tagay saddexda dhibcood.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in Milan ay wali booska 1-aad kaga jirta hoggaanka horyaalka iyadoo 2 dhibcood ka sarreysa Inter Milan oo aan ka faa’idaysan fursada isla markaana bar-bardhac 0-0 ah la gashay Udinese.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here