Booliska Netherland oo xiray nin aad dunida looga baadigoobayay

0
207

JOWHAR (Radio Isnaay) Booliska dalka Netherlands ayaa garoonka dalkaas ku xiray nin lagu eedeeyay in uu yahay mid kamid ah ragga ugu waaweyn dunida, gaar qaaradda Aasiya ee ka ganacsada daroogada ama maandooriyaha, kaas oo dowladda Australia horay ugu u jartay waran lagu soo xirayo.

Tse Chi Lop oo asalkiisu yahay Shiine balse heysta dhalashada dalka Canada ayaa la sheegay in uu madax ka yahay shirkad ka shaqeysa daraagiska, taas oo qiimaha ay kaga hawlgasho suuqyada Aasiya lagu sheegay 70 bilyan oo doollar.

Ninkan ayaa lagu sheegaa in uu yahay mid kamid ah ragga baxsadka ah ee ay ku raad joogeen booliska caalamiga ee Interpol, waxaana lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam.

Dowladda Australia ayaa dalban doontaa in loo soo gacangeliyo ninkan, waxaana booliska dalkaas ee AFP ay rumeysan yihiin in shirkadda uu madaxda ka yahay ee lagu magacaabo Sam Gor Syndicate ay mas’uul ka tahay boqolkiiba 70 daroogada lasoo geliyo dalkaas.

56 jirkan ayaa lagu tilmaama ain uu yahay El Chap qaaradda Aasiya, kaas oo ahaa nin u dhashay dalka Mexico balse ka ganacsan jiray maandooriyaha.

Booliska dalka Australia ayaa la sheegay in mudda bila ahba ay ku raad joogeen Mr Tse kahor inta aysan xirin booliska Netherlands, xilligaas oo uu kusii jeeday dalka Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here