Askar jiifatay Goobaha Baabuurta la Dhigo oo Buskut lagu Abaal mariyay.

0
243

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cabsida laga qabay in dibadbaxyo rabshado wata ay ka dhacaan Mareykanka ayaa sabab u ah in la kordhiyay ciidanka ilaalinaya goobaha muhiimka sida Aqalka Mareykanka looga arrimiyo & dhismaha Capitol Hill ee dhawaan gedaarka looga booday.

Madaxweynaha saddexda cishe xilka Mareykanka haya ee Joe Biden ayaa ka raalli-geliyay askarkaas oo uu ku tilmaamay in ilaalinta dimuqraadiyadda & xasiloonida dalkaas ay u ilaaliyaan maadaama laga cabsi qabay rabshado

Ciidamada ayaa jiifay dhismaha goobta la dhigto Gawaarida ee xarunta Capitol Hilll, qaarkood ayaa ku mashquulsanaa telefoonada gacanta, halka qaar kale uu waaga ugu baryay soo jeed sida ay warrisay Warbaahinta qaar.

In ka badan 25,000 oo Askari ayaa la geeyay Magaalada Washington DC si ay u sugaan amniga caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden oo Xafladda uu xilka kula wareegay dhacday Arbadii todobaadkii shalay idlaaday.

Waxa aan doonayaa maanta in aan idin kaga mahadceliyo sida aad uga shaqeyseen xaqiijinta amnigeyga & midka qoyskeyga maalmihii caleemo saarka oo aad dedaal baan muujiseen Sidaasi waxaa tiri Jill Biden oo ah Marwada u dhaxda Joe Biden.

Waxa ay haddiyad ahaan u siisay Askarkaan Buskut laga keenay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, taas oo ay ka guddoomeen saraakiisha Ciidamada hoggaaminayay ee amni sugidda u tagay meelaha muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here