Garsoorihii Kaarka Casaanka ah Siiyay Lionel Messi Oo La Ganaaxayo.

0
247

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garsoorihii siiyay Lionle Messi casaankiisii ugu horeysay ee waayihiisa Barcelona ayaa wajahaya baaqyo la xiriira in lagu ciqaabo taalabadii uu qaaday.

Jesus Gil Manzano ayaa casaan siiyay daqiiqadii ugu danbeysay ee waqtigii dheeriga ahaa ee kulankii Spanish Super Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Athletic Bilbao iyadoo xiddiga reer Argentina uu u gacan qaaday Asier Villalibre.

Jahwareer ayaa heystay kooxda Ronald Koeman iyagoo raadinayay goolka barbaraha laakiin dhowr qalad oo lagu galay Lionel Messi laguma ciqaabin ciyaartoyda Athletic Bilbao.

Manzano ayaa haatan qarka u saaran in lagu ciqaabo inuu ku guuldareystay inuu caalamada hurdiga ah siiyo ciyaartoyda Bilbao ee qaladaadka ku galay Messi.

Juame Roures oo ah aas-aasaha shirkada baahisa La Liga ee Mediapro ayaa ku baaqaya in la ciqaabo garsooraha.

“Waa ay iska cadahay in Messi uu ku kacay fal ay aheyd inuusan ku kicin, mana ahayen wax uu hore u sameeyay” ayuu Roures u sheegay Marca.

“Laakiin waxaan qabaa inay aheyd inaan xaalada Messi halkaas la gaarsiinin sababtoo ah garsooraha ayay aheyd inuu ka qabto qaladaadka lagula kacayay.

“Haddii uu bixin lahaa kaarar hurdi ah, ma aanan soo gaareen xaalad casaan lagu siiyo Messi.

“Waa inay ciqaabaan garsooraha. Waxaan qabaa in Messi uu sii joogayo Barcelona haddii uu arko qorshe guuleysanaya.”

Axadii la soo dhaafay ayaa aheyd markii seddexaad ee uu Messi casaan qaato waayihiisa ciyaareed inkastoo labadii jeer ee hore uu qaatay isagoo u dheelaya Argentina.

33 jirkaan ayaa casaankiisii ugu horeysay qaatay sannadkii 2005 kulan saaxiibtinimo oo ay Argentina la ciyaareysay Hungary, casaankiisii labaad wuxuu yimid 14 sannadood ka dib kulan ay la ciyaareen xulka Chile koobka Copa America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here