Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle oo Jowhar Tababar ugu soo Xirtay Qaar kamid ah Wariyayaasha Kahowlgala Deegaanada Hirshabeelle

0
207

JOWHAR (Radio Isnaay) Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay Tababar Muddo Afar Maalin uga socday 20-ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala Deegaannada Maamulka Hirshabeelle.

Tababarka oo ay soo qaban qaabisay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo Taageero ka heleeysa IMS iyo FOJO ayaa ku saabsanaa Tabinta Doorashooyinka iyo Badqabka Wariyaha.

Gabagabada Tababarka waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Jowhar, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Hir-shabeelle.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhaxe Ibraahin Cali Nuur ayaa umahad celiyay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA sida ay ugu faa,ideysay 20 Suxufi ee Tababarka Maanta loogu soo gabagabeeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaran ayaa u rajeeyay suxufiyiintii ka faa,ideystay Tababarka Afarta Maalin uga socday Jowhar Guul iyo Shaqo Wanaagsan Guddoomiye Makaraan ayaa si weyn ugu mahadcelliyay Hay,adaha IMS Iyo FOJO oo Tababarkan ka taageerayay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meyre Makaraan ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay Tababarka loo qabtay Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha dhaxe waxana uu ammaan iyo bogaadin u jeediyay SOMA iyo Hay,adaha ka taageeray in Tababar noocaan ah loo  qabto wariyayaasha ka howlgalo Deegaanda Maamulka Hir-shabeelle.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Axmed Kolonbo oo ka hadlay Munaasabada ayaa Dalladda SOMA ku tilmaayay mid wax weyn ka qabatay dhinaca Tababarada Wariyayaasha Ka howlgalo Hirshabeelle.

Saxafiyiinta Tababarka ka qeyb galay ayaa la gudoonsiiyay Shahaadooyin ku saabsan Daruustii ay barteen Afarta Maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here