Kulanka Liverpool vs Burnley – Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac.

0
256

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa cusboonaysiin doonta dadaalada ay ku doonayso inay gaadho guusheedii ugu horreysay ee tan iyo bishii December ee Premier League marka ay caawa qaabilayso dhigeeda Burnley.

Liverpool ayaa u dhacday booska 4-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka kaddib markii ay kaliya afar dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liveerpool ayay u badantahay inay dib usoo dhawayn doonto daafaceeda dhexe ee Joel Matip kaddib markii uu seegay kulankii Manchester United oo la filayay inuu kasoo gaadho.

Soo laabashada Matip ayaa ka dhigaysa Jordan Henderson mid loo celiyo booskiisa asalka ah ee khadka dhexe taas oo ka dhigan inuu meesha kala bixi doono Xherdan Shaqiri.

Iyadoo uu Diogo Jota dhaawac ku maqan yahay, Jurgen Klopp ayaan haysan dookhyo badan oo uu meesha kaga saaro mid kamida saddexleydiisa weerar ee gaabiska ahaa kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddigaha ay kamidka yihiin Curtis Jones, Neco Williams, Alex Oxlade Chamberlain iyo Divock Origi ayaa ah kuwo Jurgen Klopp ku cadaadinaya inuu boos ka siiyo shaxda.

Burnley ayaa tijaabo taam ahaansho oo xilli dambe ah marin doonta daafacyadeeda Jimmy Dunne iyo Charlie Taylor.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Fabinho, Robertson; Thiago, Henderson, Jones; Salah, Firmino, Mane 

Burnley (4-4-2): Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor; Brady, Westwood, Brownhill, McNeil; Barnes, Wood

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Mike Dean

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here