Cristiano Ronaldo Oo Xalay Rikoodh Cajiib ah u Dhigay Dunida Kubada Cagta.

0
339

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo ayaa galay buuga taariikhda kubada cagta caawa intii ay socotay kulanka Italian Super Cup ee ay Juventus ka qaaday kooxda Napoli ka dib markii ay uga badiyeen 2-0.

Halyeeyga reer Portugal ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan kubada cagta dunida ee tartamada rasmiga ah ka dib goolkii uu caawa ku dhaliyay garoonka kooxda Sassuolo ee Mapei Stadium.

Ronaldo ayaa dhaafay rikoodhkii mudada dheer yaalay ee uu dhigay Josef Bican kaasoo dhaliyay 759 goolal oo rasmi ah waayihiisa ciyaareed intii u dhaxeysay 1931 ilaa 1955.

Xiddiga Shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or oo 36 sanno jir noqonaya bisha danbe ayaa rikoodhkaas jabiyay daqiiqadii 66aad markii uu meel dhow ka dhameystiray kubad.

Goolkaas ayaa ah goolkii 760aad ee Ronaldo uu dhaliyo waayihiisa ciyaareed tartan rasmi ah, wuxuu goolashaan u kala dhaliyay Sporting Lisbon, Man United, Real Madrid, Juventus iyo xulka Portugal.

10ka Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan Abid:

  1. Arthur Friedenreich – 554 goolal
  2. Ferenc Deak – 558 goolal
  3. Eusebio – 615 goolal
  4. Ferenc Puskas – 706 goolal
  5. Gerd Muller – 720 goolal
  6. Romario – 734 goolal
  7. Lionel Messi – 746 goolal
  8. Pele – 757 goolal
    1. Josef Bican – 759 goolal
    2. Cristiano Ronaldo – 760 goolal

    Juventus ayaa ku guuleystay koobka Italian Super Cup ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen caawa kooxda Napoli, goolka waxaa u furay Cristiano Ronaldo iyadoo goolka labaad uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Alvaro Morata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here