Tirada Dhimashada Covid-19 ee Dalka Mareykanka oo Korortay.

0
262

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daraasad kasoo baxday Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sheegtay in tirada dadka uu cudurka Covid-19 ku dilay Mareykanka ay Talaadadii shalay kor u dhaaftay 400,000 oo qof.

Tirada dhimashada ee cudurka ayaa kor u sii kaceysay tan iyo fasaxii ciidda Masiixiga ee Mareykanka. Saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay oo kaliya in ka badan 63 kun oo qof ayaa cudurka ugu dhimatay guud ahaan Mareykanka.

Gobollada Michigan, New Jersey, New York, Oregon, South Carolina iyo Vermont ayaa sheegay in dawada tallaalka xanuunka Covid-19 uu gabaabsi ka yahay, una baahanyihiin doosas badan oo ah tallaalka ay soo saareen Pfizer-BioNTech iyo Moderna.

Warbixinta ayaa sheegtay in 18 gobol oo ay ku jiraan California, Pennsylvania, Texas iyo Washington ayaa bishan January diiwaangeliyay kiisaskii dhimasho ee ugu badnaa.

Madaxweyne Joe Biden oo maanta oo Arbaca ah loo dhaariyay xilka, ayaa ajandaha kowaad ee xukumaddiisa ka dhigay la dagaalanka xanuunka Covid-19. Wuxuu ballan qaaday in qof walba oo ku nool Mareykan laga tallaali doono xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here