WHO oo ka Digtay Musuq lagu Sameeyo Tallaalka Covid-19.

0
259

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dunida waxay wajaheysaa dhaqan turid la’aan ah sababo la xiriira sinnaan la’aan dhanka siyaasadaha tallaalka Covid, waxaa sidaas ka digay madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in aysan caddaalad ahayn in dhalinyarada, dadka caafimaadka qaba ee dalalka qaniga ah inay tallaalka helaan kahor dadka nugul ee ku nool dalalka saboolka ah.

Wuxuu sheegay in 39 milyan oo xirmooyin tallaal ah lagu bixiyay 49 dal oo qani ah – balse hal dal oo sabool ah uu helay keliya 25 xirmo.

Dhanka kale, WHO iyo Shiinaha ayaa labaduba lagu eedeeyay sida ay uga falceliyeen fayrasla Covid-19.

Guddi madax bannaan oo ay dirtay WHO ayaa sheegay in waaxda caafimaadka bulshada ee Qaramada Midoobay ay ahayd inay mar hore xaalad degdeg ah ku dhawaaqdo, sidoo kalena Shiinaha uusan dhaqso qaadin tallaabooyin caafimaad.

Ilaa iyo hadda, Shiinaha, Hindiya, Ruushka, UK iyo Mareykanka ayaa soo saaray tallaalka Covid, iyadoo tallaal kalena ay soo saareen kooxo dalal kala duwan ka soo jeeda – sida tallaalka Pfizer ee ay iska kaashadeen Mareykanka iyo Jarmalka

Inta badan dalalkan waxay muhiimadda koowaad siiyeen bulshooyinkooda.

Mar uu shalay ka hadlayay kulanka WHO ayuu Dr Tedros sheegay in dunidu ay qarka u saaran tahay guul darro dhanka isu turidda ah, taasna ay saameyn ku yeelan doonto nolosha dadka ku nool dalalka ugu saboolsan caalamka.

Dr Tedros ayaa sheegay in hannaanka “aniga aan ugu horreeyo” uu keenayo kala boob iyo in qiimaha uu sare u kaco.

“Ficilladan waxa keliya ee ka dhalanaya waa in ay sii dheeraato muddada uu xanuunkan dunida ka taagan yahay, xayiraadaha la doonayo in lagu xakameeyo, iyo iyadoo ay saameyn ku yeelaneyso dhaqaalaha iyo bani’aadamka,” ayuu intaas ku daray.

Madaxa WHO ayaa ku baaqay in si buuxda looga qeyb qaato barnaamijka qeybsiga tallaalka ee dunida, Covax, oo lagu wado inuu bilowdo bisha soo socota.

Ilaa iyo hadda, in ka badan 180 dal ayaa saxiixay barnaamijka Covax, oo ay taageerayaan WHO iyo kooxo caalami ah. Ujeeddadiisu waa in lagu mideeyo dalalka si ay ula gorgortamaan shirkadaha dawada.

Sagaashan iyo labo dal – oo dhammaantood dabaqadda dhexe iyo hoose isugu jira – waxaa dhaqaalaha tallaalka ka bixin doona deeqbixiyeyaal.

Xoghayaha Caafimaadka UK, Matt Hancock oo ka jawaabayay digniinta Dr Tedros, ayaa yiri: “UK waa dalka ugu weyn dunida ee taageerada bixiya, taageerada dhaqaale ee dunida si loo hubiyo in dhammaan dalalka dunida ay helaan tallaal.”

Dowladda UK ayaa £548m ($734m) ugu deeqday barnaamijka Covax.

In ka badan afar milyan oo qof oo ku nool Britain ayaa xirmadoodii ugu horreeysay ee tallaalka coronavirus helay, sida laga soo xigtay barnaamijkaas.

Dadka ku jira da’da 70-meeyada ee ku sugan Britain ayaa ah kuwo aad u nugul waxayna ku jiraan dadka la siiyay tallaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here