Tirada Xukunnada Dillalka ah ee Sacuudi Carabiya oo Hoos u Dhacay.

0
170

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddiga Xuquuqda Aadanaha Sacuudi Carabiya (SHRC) ayaa diwaan geliyay 27 xukunno dilal ah oo la fuliyay sanadkii la soo dhaafay, taas oo ah hoos u dhac 85% ah marka loo barbardhigo sanadkii 2019.

Waxaa taas loo aaneeyay dib u dhigidda aan la sii shaacin ee xukunnada dilka ah ee dembiyada la xiriira daroogada.

Kooxda ololaha ee Reprieve ayaa ka digtay in laga yaabo in sanadkan ay kordhaan tirada xukunnada dilka ah.

“Hoos u dhaca waxaa qeyb ahaan loo aaneyn karaa xayiraadda Covid-19 laga soo bilaabo February ilaa April, markaas oo aysan dowladdu fulin wax xukun dil ah sababo la xiriira xayiraadaha lagu xakameynayo fayraska,” ayay tiri kooxda.

“Dowladda ayaa soo jeedisay fulinta xukunnada dilka ah saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2020: saddex meelood meel dhammaan xukunnadii dilka ee la fuliyay sanadkii la soo dhaafay waxay dhaceen December keliya.”

Sida laga soo xigtay Amnesty International, Sacuudiga wuxuu sanadkii 2019 xukun dil ah ku fuliyay 184 qof. Kala bar waxay ahaayeen muwaadiniin ajnabi ah halka lixna ay haween ahaayeen.

Reprieve iyo Ururka Yurub-Sacuudiga ee Xuquuqda Aadanaha (ESOHR) ayaa isha ku haya kiisaska 80 qof oo la rumeysan yahay inay wajihi doonaan xukun dil ah.

Qaar badan ayaa loo dilay dembiyo la xiriira difaacidda xuquuqda aadanaha, sida ay sheegtay Reprieve.

Bishii April ee la soo dhaafay, SHRC ayaa soo xigatay wareegto ka soo baxday boqortooyada oo lagu sheegay in dadka dembiyada galay markii ay carruur ahaayeen aysan wajihi doonin xukunka dilka ah taas beddelkeedna lagu xukumi doono ugu yaraan 10 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here