Iskuulada Dalka Rwanda oo Covid-19 Dartii Maanta Albaabada loogu Laabay.

0
203

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowaladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday in ay albaabada u laabtay dhammaan dugsiyada waxbarashada eek u yaalla caasimaadda Kigali.

Xiritaanka dugsiyada waxbarashada ayay dowladdu ku sababaysay xanuunka Covid-19 oo sii badanaya awgii.

Amarka lagyu xirayo dugsiyada waxbarashada ee Kigali ayaa si rasmi ah u dhaqangalay Isniinta maanta ah.

Wasiirka waxbarashada Rwanda Valentine Uwamariya ayaa sheegay in ay xiri doonaan iskuullada ku yaalla gobollada kale ee dalka haddii la arko kiisaska xanuunka oo ku sii badanaya deegaannada kale.

Bishii November ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii dib loo furay dugsiyada waxbarashada dalkaas oo xidhnaa muddo 8 bilood ah.

Todobadii maalmood ee la soo dhaafay Rwanda ayaa diiwaan-gelisay 1,000 xaaladood oo cusub oo xanuuka Covid-19 ah halka ay u geeriyoodeen 22 qof oo kale.

Guud ahaan Rwanda waxaa laga diiwaan-geliyay 11,032 xaaladood oo xanuunka Korona ah iyo 142 qof oo xanuunka u geeriyootay.

Xukuumadda Rwanda ayaa amar ku bixisay in isbitaallada guud ee dalkaas ay la tacaalaan bukaannada uu haleelay xanuunka iyaga sii maraya ceymiska bulshada ee dalkaasi sida weyn looga adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here