Athletic Bilbao Oo Ku Guuleysatay Koobka Spanish Super Cup, Barcelona Oo La Iskugu-daray Bahdil Iyo Casaan.

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Athletic Bilbao ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup, waxaana ay 3-2 kaga adkaatay Barcelona oo ay isku rafaadeen.

Ciyaartan oo waqtigeedii caadiga ahaa kusoo dhamaaday barbarro 2-2 ah ayaa lagu daray waqti dheeraad ah si ay ugu kala baxaan, balse daqiiqaddii 93aad ayay Bilbao la timid gool aad u qurux badnaa oo uu u saxeexay Williams, xilli dhamaadkiina casaan toos ah garoonka lagaga saaray Lionel Messi oo gacanta u qaaday xiddigii la baxsaday, guushana ku hoggaamiyey Bilbao.

Antoine Griezmann ayaa laba jeer hoggaanka u qabatay ciyaarta labadeedii qaybood, waxaana goolasha u dhaliyey Griezmann, hase yeeshee Oscar de Marcos ayaa goolka hore barbarreeyey, halka uu Asier Villalibre daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta labaadna uu ciyaarta ka dhigay 2-2.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray oo saddex daqiiqadood oo kaliya socday ayay Bilbao heshay goolka guusha iyo koobkaba u horseeday, waxaana u dhaliyey Inaki Williams.

Shaxdii labada kooxood

ATHLETIC BILBAO (4-4-2): Unai Simon; Ander Capa, Yeray Alvarez, Inigo Martinez, Mikel Balenziaga; Oscar De Marcos, Dani Garcia, Unai Vencedor, Iker Muniain; Raul Garcia, Inaki Williams.

Kaydka: Alex Berenguer, Ibai Gomez, Jon Morcillo, Asier Villalibre, Jokin Ezkieta, Oihan Sancet, Unai Nunez, Inigo Lekue, Mikel Vesga.

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergino Dest, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri; Ousmane Dembele, Lionel Messi, Antoine Griezmann.

Kaydka: Samuel Umtiti, Inaki Pena, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Oscar Mingueza, Trincao, Neto, Junior Firpo, Martin Braithwaite.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here