Joe Biden oo Xayiraadda ka Qaaday Waddamadii uu Trump ka Mamnuucay Safarka Mareykanka.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka Joe Biden oo Arbacada xilka la wareegaya ayaa la ogaaday in uu ka shaqeynayo sidii uu xayiraadda Safar uga qaadi lahaa Dalalka uu Trump ka joojiyay in ay u safraan Muwaadiniintooda Dalkaas.

Joe oo ah wakiilka Siyaasadeed ee Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka ayaa damacsan in uu furfuro dhammaan xargaha siyaasadeed uu dhuujiyay Madaxweynihii ka horreeyay ee Jamhuuriga oo dalalka qaar xannibaad saaray.

Ilo ku dhaw Madaxweynaha 3-da cishe kadib xilka la wareegaya ayaa Warbaahinta u sheegay in Biden uu damacsan tahay ku dhaqaaqista tallaabadaas, inkasta oo aysan kala sheegin haddii uu guud ahaan ka qaadayo iyo in uu kala xulasho ku sameynayo.

Liiska Waddamada uu Donald Trump ka joojiyay u safridda Mareykanka ayaa kala ah: IIraan, Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Suudaan, Liibiya & Yemen, waxaana markale uu cusbooneysiiyay xayiraadda dalalkaan kor ku xusan.

Madaxweynaha todobaadkaan talada Mareykanka qabanaya 4-ta sano soo socota ee Joe Biden ayaa daneynaya in uu waji cusub u sameeyo siyaasadda dalkiisa, isla markaana uu badalo go’aamo uu qaatay Madaxweynihii xilka uga horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here