Tirada Dadka Ku Dhintay Dhulgariirkii Jaziirada Indonesia oo Korortay.

0
195

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 34 qof ayaa dhimatay in kabadan 600 oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii saaka dhulgariir cabirkiisu yahay 6.2 uu ku dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia, sida ay sheegeen masuuliyiintdalkaasi.

Xudunta dhul gariirku oo ahaa magaalada Majene,iyadoo ay ku barakaceen ugu yaraan 15,000 oo qof,waxaana la sheegay in ay jiraan dhismayaal ku burburay dhulgariirkasi ,sida cisbitaal,kaas oo ay ku hoos jiraan dad kala duwan oo bukaanno ah iyo dhaqaatiir.

hay’adda musiibooyinka ayaa sheegtay in hoteello iyo xafiiska ku yiillay Galbeedka Sulawesi ay soo gaareen waxyeello,sidoo kalena adeegyadii korontadana ay hoos u dhacday.

Wadooyinka qaar iyo buundooyin ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartey taasoo hoos u dhigeysa howlaha gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here