Real Madrid Oo Lagu Garaacay Semi-finalka Spanish Super Cup.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa ku hartay semi-finalka Spanish Super Cup ka dib markii ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay kooxda Athletic Bilbao kuwaasoo ciyaarta kama danbeysta la dheeli doono Barcelona oo xalay u soo baxday finalka.

Labo gool uu dhaliyay Raul Garcia ayay Athletic Bilbao hogaanka ku qabatay qeybtii hore ee ciyaarta, Los Blancos oo isku dayday inay ciyaarta ku soo laabato kari weyday wax ka badan gool uu u soo celiyay Karim Benzema.

Tababare Zidane ayaa ku soo shirtagay shax la mid aheyd tii ay kala hortageen kulankii Osasuna oo ciyaartoydiisa uu daal badan ka muuqday iyadoo Hazard uu ka ciyaarayay Benzema gadaashiisa halka Modric uu saarnaa garabka midig.

Qaab ciyaareedka Madrid waxba iskama bedelin kulankoodii ugu danbeeyay ee ay niyadjabka kala kulmeen, iyadoo Athletic Bilbao ay hogaanka la wareegtay daqiiqadii 19aad markii ay ka faa’ideysteen qalad ay sameeyeen kooxda Los Blancos.

Xiddigii hore ee Atletico Madrid Raul Garcia ayaa kubad soo baxday ka hoos bixiyay goolhaye Courtois.

Goolka ka dib waxaa ku xigay furad cajiib aheyd uu beeniyay goolhaye Courtois halka Marco Asensio uu isna fursad u abuuray Los Blancos bartamihii qeybta hore.

Athletic Bilbao ayaa heshay fursad ay hogaanka ku sii dheereysato daqiiqadii 37aad markii uu Lucas Vazquez uu xerada ganaaxa qalad kula galay Iker Muniain iyadoo garsooraha uu tilmaamay gool ku laad.

Waxaa gool ku laadka u soo istaagay Raul Garcia oo saxiixay goolkiisii labaad ee ciyaarta, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay Athletic Club ku heysay hogaan ay u qalmeen.

Athletic ayaa heshay fursad ay gool seddexaad ku dhalin kartay daqiiqadii 55aad oo ay ciyaarta ku dili kareen. De Marcos ayaa shaqo fiican ka soo qabtay garabka midig laakiin Muniain ayaa fursad qasaariyay oo hareermariyay goolka.

Los Blancos ayaa qarka u fuushay inay shabaqa soo taabto daqiiqadihii 58aad iyo 64aad ee ciyaarta iyadoo labada jeerba uu birta garaacay Marco Asensio oo ahaa xiddiga ka dhex muuqday kooxda heysata horyaalka La Liga.

Asensio ayaa birta mar seddexaad garaacay daqiiqadii 69aad isagoo dhameystirtay seddexleydiisa bir garaacista.

Ugu danbeyn Karim Benzema ayaa gool u soo celiyay Real Madrid daqiiqadii 73aad markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Casemiro. Goolka marka hore waxaa loo diiday offside laakiin VAR oo hubisay ayaa go’aamisay in Benzema uusan offside aheyn goolkana uu sax yahay.

Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee sannadkan 2021.

Daqiiqadii 84aad Real Madrid ayaa u dabaaldegtay goolkii labaad ee barbaraha laakiin goolka waa la diiday madaama uu markaan Benzema offside ah sax ah ku jiray.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Athletic Bilbao kaga badisay Real Madrid iyagoo finalka la dheeli doona Barcelona oo xalay rigoore kaga soo gudubtay Real Sociedad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here