Australia oo Dil ku Fulineysa Shimbir Jabisay Sharuucda lagu Xakameynayo Covid-19.

0
210

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shimbir, nooceedu yahay kuwa ay Soomaalidu u taqaanno “qoolleey xamaam”, oo u safartay waddanka Australia, iyadoo ka tallowday badweynta Pacific, ayaa lagu wadaa in la dilo kaddib markii ay ku xad gudubtay shuruucda adag ee waddankaas uu u sameystay karantiilka.

Waxaa lagu soo warramay in Shimbirtan ay luntay xilli uu tartan ka socday gobolka Oregon ee dalka Mareykanka dabayaaqadii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Hase yeeshee, ku dhawaad labo bilood kaddib waqtigaas ayaa lagu arkay gudaha magaalada Melbourne ee waddanka Australia.

Laakiin mas’uuliyiinta Australia waxay sheegeen in shimbirtan, oo lagu magacaabo Joe, ay keeni karto “khatar dhinaca caafimaadka ah” oo waxyeelleyn karta shimbiraha reer Australia. Sidaas awgeedna, waxaa la go’aansaday in lasoo qabto oo la dilo

Nin daggan magaalada Melbourne, oo lagu magacaabo Kevin Celli-Bird ayaa sheegay in uu shimbirtan qeybta dambe ee gurigiisa ku arkay 26-kii bishii December.

Cilmi baaris yar oo uu ka sameeyay internet-ka ayuu Mr Celli-Bird ku ogaaday in shimbirtan, oo uu leeyahay qof daggan gobolka Alabama, markii ugu dambeysay lagu arkay tartan shimbiraha loogu qabtay gobolka galbeedka Mareykanka ku yaalla ee Oregon.

Laakiin markii uu warbaahinta qabsaday warka ku saabsan in shimbirkii Joe ahaa la helay, waxaa Mr Celli-Bird lasoo xiriiray booliska Australia oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda uu abuuri karo xayawaankan.

Wali shimbirtan lama qabanin, laakiin waaxda beeraha, Byaha iyo deegaanka ee dalkaas ayaa sheegtay in ay waxyeello u horseedi karto shimbiraha deegaanka, ayna ku khasban yihiin in ay dilaan.

Shimbirta Joe ma aha xayawaankii ugu horreeyay ee dhibaato kula kulma gudaha Australia, ama uu qabto sharciga socdaalka xayawananada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here