Kongareeska Mareykanka Markale u Codeeyay Xil ka Xayuubinta Trump.

0
195

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 222 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga iyo 10 ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa “Haa” ugu coddeeyay mooshinka lagu dalbay in xilka looga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump, halka 197 dhammaantood ah Jamhuuri ay diideen mooshinkaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo labo jeer dacwad xilka xayuubin ah uu Aqalka Wakiillada Maraykanku ku soo oogo, iyadoo xilligan lagu eedeeyey in uu kiciyay kacdoon ka dhan ah dowladda Maraykanka.

dacwadda xilka ka xayuubinta ayaa timid toddobaad ka dib markii koox careysan ay xoog ku galeen xarunta Aqalka Wakiillada Maryakanka, xilli ay socotay ansixita guushii Joe Biden uu ka gaaray doorashada. 5 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Madaxweyne Trump ayaa isagu toddobaadkan sheegay in khubaddii uu u jeediyay taageerayaashiisa toddobaadkii hore ka hor inta aysan galin gudaha Aqalka Wakiillada ay ahayd mid sax ah.

Nancy Pelsoi, afhayeenka Aqalka Hoose oo codeyntaas kadib warbaahinta la hadashay ayaa tiri. “Maanta, qaab ay labada xisbiba kuwada jiraan, wuxuu Aqalka hoose muujiyay inaanu jirin qof sharciga ka sareeya, xitaa madaxweynaha Mareykanka.”

Go’aanka Aqalka hoose ayaa loo gudbin doonaa golaha Senate-ka, laakiin golahani ma bilaabi doono maxkamadeynta dacwaddan kahor 20-ka Janaayo, marka Joe Biden uu qabto xilka madaxweynenimada, taasoo la micno ah in Trump uu ka badaabdi doono in si ceeb ah xoog looga saaro Aqalka Cad.

Si kastaba ha noqotee, Trump ayaa goor danbe wajihi doono maxkamadda Senate-ka, waxaana haddii dacwaddan lagu helo laga mamnuuni doonaa in uu mar kale soo haweysto kursiga madaxtinnimada sannadka 2024-ka.

Isaga oo ku sugan Aqalka Cad, madaxweyne Donald Trump ayaa soo diray khudbad muuqaal ah. Trump khudbadaasi kagama hadlin dacwadda xilka xayuubinta ee lagu

soo oogay, laakiin wuxuu diirada ku saaray codsi uu u jeediyay dadka Maraykanka oo ah in ay midobaan oo ay ka hortagaan rabshadaha.

Kumannaan Ciidamo ah oo isugu jira boolis iyo kuwa ilaalada qaranka ayaa si weyn u ilaalinayay amniga xaruta congress-ka Maraykanka iyo waliba waddooyinka magaalada Washington, kaddib rabshadihii dhacay toddobaadkii hore.

Hay’adda FBI ayaa ka digtay in kooxo taageersan Trump ay qorsheynayaan in ay weeraro kale geystaaan iyagoo ka careysan go’aanka ama dacwadda xil ka xayuubinta Trump iyo waliba caleemo-saarka toddobaadka danbe la caleemo saarayo Joe Biden madaxweynaha la doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here