Foden Oo Kaalinta 3aad Keenay Manchester City, Hal Dhibic Kaliya Oo Ay Ka Dambayso Liverpool.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaadhay Brighton & Hove Albion oo ay ku qaabbisay Etihad Stadium.

Manchester City oo ay ciyaar baaqi u tahay ayaa hal dhibic kaliya ka dambaysa Liverpool, taas oo haddii ay soo badiso ay laba dhibcood ka hormari doonta.

City oo lagu ciyaarayaya garoonkeeda ayaa waxay 10 ku garaacday Brighton, waxaana guushan ku hoggaamiyey xiddiga da’da yar ee Phil Foden oo daqiiqaddii 44aad ee dhamaadka qaybta hore u dhaliyey gool qurux badan oo kala soo dhex-baxay difaaca Brighton.

Manchester City ayaa soo bandhigtay ciyaar qurux badan oo ay khadka dhexe ka farsamaynayeen Bernardo Silva, Kevin De Bruyne iyo Gundogan, waxaanay kusii siqaysaa inay soo qabato labada kooxood ee ka horreeya ee Manchester United oo 36 dhibcood haysata iyo Liverpool oo kaalinta labaad ku haysata 33 dhibcood.

Tababare Pep Guardiola oo kooxdiisu ay dhibaato kusoo dhex-jirtay xili ciyaareedkan ayaa waxay yeelatay 32 dhibcood iyadoo ciyaartay 16 dhibcood halka ay kooxaha kale ka dheeleen min 17 ciyaarood, waxaana haddii ay guuleysato kulanka u hadhsan ay laba dhibcood ka horreyn doontaa Liverpool.

Shaxdii labada kooxood

BRIGHTON AND HOVE ALBION (3-4-3): Robert Sanchez; Aaron Webster, Lewis Dunk, Dan Burn; Joel Veltman, Ben White, Davy Propper, Bernardo; Percy Tau, Leandro Trossard, Alexis Mac Allister.

Kaydka: Neal Maupay, Pascal Gross, Solly March, Andi Zeqiri, Christian Walton, Max Sanders, Teddy Jenks, Jensen Weir, Reda Khadra.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, John Stones, Ruben Dias, Oleksandr Zinchenko; Bernardo Silva, Rodri, Ilkay Gundogan; Riyad Mahrez, Kevin De Bruyne, Phil Foden.

Kaydka: Kyle Walker, Raheem Sterling, Gabriel Jesus, Zack Steffen, Ferran Torres, Benjamin Mendy, Fernandinho, Taylor Harwood-Bellis, Luke Mbete.

Pep Guardiola ayaa afar isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Birmingham wareeggii shanaad ee tartanka FA Cup ee ay guusha weyn kaga soo gaadheen. Ederson ayaa kusoo laabtay booskiisa kaddib xanuunka Korona oo uu kasoo kabtay, sidaas oo kalena waxa yimid Zinchenko oo beddelay Mendy, halka Walker uu kaydka u galay Cancelo.

Riyad Mahrez iyo Cancelo ayaa bilowgiiba tijaabiyey goolka Brighton, waxaana kubbad ay kasoo shaqeeyeen ay u keeneen Foden oo isaguna dib ugu soo celiyey Zinchenko oo goolka toogtay, laakiin dedaalkooda ayaa waxa iska soo difaacday kooxda martida ahayd.

Ilkay Gundogan oo shaqooyin cajiib ah qabanayay usbuucyadii ugu dambeeyey ayaa kala daadiyey difaaca Brighton, waxaana uu kubadda u dhiibay De Bruyne oo joogay meel aan ka fogeyn oo dhinaciisa midig ah. Xiddiga reer Belgium ayaa waxa kubbaddiisa oo uu u adeegsaday lugta bidix soo celiyey Sanchez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here