Barcelona oo Iska Xaadirisay Finalka Koobka Spanish Super Cup.

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa iska xaadirisay finalka Spanish Super Cup ka dib ciyaar 90-ka daqiiqo la isla dhaafi waayay min hal gool , waxa ayna ugu dambeyn ku kala baxeen rigoore  oo ay Barca ku badisay 3-2.

Barcelona waxay finalka ku sugeysaa kooxdii habeen danbe soo baxda Real Madrid iyo Athletic Bilbao.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar deg degsiimo leh xilli Barcelona qeybta hore ay guud ahaan ku sareeysay maamulka kubadda waxa ayna gaarayeen heer dhan boqolkiiba 68 , waxa uuna kulankaan ahaa semi finalka Supercopa de España

Barcelona waxaa qeybta hore ka go`neyd in waqti hore gool keenaan , dhan waliba ayayna u marayeen waxaan jiray is fahan ciyaartooyda ka dhaxeyay .

Balse Real Sociedad wax aya ciyaarayeen kubad degan kuna tiirsaneyd kubadhaa rogaal celiska ah oo mararka qaar halis ahaa

Barcelona xididgaha afka hore joogay dadaal dheeraad ah ayay bxinayeen waxaana ay gool heleen daqiiqaddii 39-aad waxaana dhaliyay Frenkie de Jong ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Griezmann

Qeybta labaad , ciyaarta xaraarad ayay ciyaarta yeelatay waxa ayna aheyd mid u furan labada koox inkastoo Barca ay ku badneyd maamulka kubadda

Barca fursado badan ayay abuureen waxaaan dhanka kale muuqanayay habacsanaan daafaca oo Barca oo mararka qaar sahal ah ayay aheyd in dhanka gooshooda la gaaro ilaa ay heleen rigoore waxaana Barca laga dhaliyay daqiiqadii 51-aad

Ka dib goolkaas, Barca kubadda waa ay ku badneyd balse kooxda martida loo ahaa ma yareysan oo isku dayo ayay sameynayeen labada dhinacna waa laga filan karay gool .

Kulankaan oo uu Messi maqnaa , waxa uu macalinka Barac badelka ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 78-aad waxa uuan waqtigaas oo giliyay Trincao oo loo saaray

Martin Braithwaite balse ciyaartooyda Barca ciyaar qurxoon ayay soo bandhigeen kaliya fusradaha in a gool u turjumaan ayay ka maqneyd

Si waliba wax aya ciyaarta ku dhamaatay min hal gool waxana la aaday waqtig dheeriga ee labada qeyb

Bilioowgii qeybta labaad , kooxda martida waxaa gool xaqiiq ahaa u diiday goolhayaha Barcelona waxa ayna Barca biloowga qeybtaas dheeriga soo giliyeen Ricard Puig iyo Miralem Pjanic oo loo saaray Sergio Busquets iyo Pedri .

Barca kubadaha rogaal celiska ayaa lagu dilayay qeybta labaad waa ayna u nuglaayeen gool balse nasiibka ayaa ka maqnaa kooxda Real Sociedad xilli goolhayaha Barca uu bad baadinayay kubado halis ah waxa uuna dafaca Barca ahaa oo uu noqday waddo qeybta labaad ee waqtiga dheeriga .

Kooxda martida nasiibka ayaa diidaa , daqiiqadii 117-aad Free Kick ay heleen waxa ay ku dhacday birta , waxaan xusid mudan in Barca laag wacnaa waqtigii dheeriga , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay mkin hal gool waxaana la aaday rigoore.

Rigoorada hore Real Sociedad ayaa tuuratay balse goolhaha Barcelona ayaa bad baadiyay halka tii Barac ee uu laaday De Jong iyana ay ku dhacday birta. Real Sociedad waxay qasaariyeen seddexdii rigoore ee ugu horeysay halka Griezmann uu isna rigoore ka qasaariyay Barcelona.

Si waliba waxaa rigoorayaal ku badisay Barcelona iyadoo rigoorada guusha uu dhaliyay Ruig Puig oo finalka iska xaadirsay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here