Wasiiro ka Tirsanaa Xukuumadda Malawi oo u Geeriyooday Covid-19.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laba wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda dalka Malawi ayaa Talaadadii u geeriyootay xanuunka COVID-19 awgii.

Wasiirrada geeriyooday ayaa kala ah Lingison Belekanyama wasiirkii dowladaha hoose iyo Muhammad Sidik Mia wasiirkii gaadiidka.

Madaxwweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera oo ka hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in geerida xubnaha ka tirsan golaha wasiirrada dalkaas awgeed hoos loo dhigi doono calanka dalka sidoo kalena dalku geli doono saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dalkiisa ay ka taagantahay musiibo qaran oo uu sababay xanuunka COVID-19 isaga oo heegan geliyay dhammaan hay’adaha arrinkaa ku shaqada leh.

Waxa uu Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha kala duwan ka codsaday in ay gargaar degdeg ah  u fidiyaan Malawi.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas ayaa soo warisay in kala badh xubnaha golaha wasiirrada ee dalkaas ay qabaan xanuunka Korona, xukuumadda ayaa arrintaas gaashaanka ku dhufatay.

Geerida wasiirradan ayaa timi xilli dalka Malawi ee dhaca koofurta qaaradda Afrika uu si xowli ah oo aan horay loo arag ugu fidayo xanuunka Korona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here