Liverpool Iyo Man United Oo Loo Sheegay Qiimaha Rasmiga Ah Ee Ay Ku Heli Karaan Kalidou Koulibaly.

0
232

JOWHAR (Radio Isnaay) Milkiilaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa u sheegay Manchester United iyo Liverpool inay miiska soo saaraan ugu yaraan 100 milyan ginni haddii ay doonayaan inay la saxiixdaan Kalidou Koulibaly bishaan Janaayo.

Labada kooxood ayaa si xoogan loola xiriirinayay daafaca dhexe ee reer Senagal oo 29 sanno jir ah.

Laakiin iyadoo labada kooxood oo siyaabo kala gedisan u doonaya daafac cusub hadana De Laurentiis ayaa gaaray go’aan adag.

Liverpool ayaa si weyn ugu baahan daafac dhexe oo ay isku xoojiso ka dib markii ay dhaawacyo muddo dheer ah soo gaareen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez halka Dejan Lovren la iibiyay iyadoo Joel Matip uu yahay xiddig dhaawacyada u nugul.

Man United ayaa iyagana raadinaya daafac adag oo ka garab dheeli kara kabtan Harry Maguire.

Man City ayaa iyadana xiiseyneysay daafacaan xagaagii la soo dhaafay laakiin bedelkiisa waxay 105.5 milyan ginni kula soo wareegeen Nathan Ake iyo Rubin Dias.

Haatan iyadoo uu furan yahay suuqa kala iibisga, wariye Jim White ayaa kala hadlay milkiilaha Napoli De Laurentiis dalabyada ka imaanaya Premier League.

Isagoo u hadlayay talkSPORT, White ayaa yiri: “Ma jiro suuq kala iibi oo aan looga hadlin daafaca Napoli Kalidou Koulibaly.

“Saaka waxaan la hadlay Aurelio De Laurentiis, milkiilaha Napoli, waxaan ku iri ka waran ciyaaryahankaaga, ma jiraan dalabyo laga soo gudbiyay.

“Wuu igu qoslay wuxuuna igu yiri iib ma ahan. Waxay u muuqataa in waqtigaan uusan Koulibaly meel u soconin.

“Wuu joogayaa, taasna saaka ayaa la xaqiijiyay. Cidii dooneysa Koulibaly waa inay bixiso 100 milyan ginni ama waa ay iska ilaawi karaan.

Wuxuu igu yiri: Gabi ahaanba iib ma ahan ilaa iyo mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee England ay bixiso 100 milyan ginni.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here