Isku-aadka Wareegga 5aad Ee FA Cup ka Ingariiska Oo La Sameeyey.

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isku-aadka wareegga shanaad ee tartanka FA Cup ayaa la sameeyey, waxyar kaddib markii la dhamaystiray qori-tuurka wareegga afraad oo ay kooxo waaweyni isku dhaceen.

Wareegga afraad ayay kulamo adagi kasoo baxeen ka hor inta aan la gaadhin qori-tuurka wareegga shanaad, waxaana isku-beegmay labada kooxood ee ugu guulaha badan horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Liverpool, laakiin midkooda soo baxa ee u gudba wareegga shanaad ayaa mari doona imtixaan ka sahlan midka hore, waxaanay la ciyaari doonaan West Ham iyo Docaster oo iyaguna isku dhacay midkooda soo gudba.

Chelsea ayaa mar kale nasiibkeedu sii wanaagsanaaday, waxaana iyadoo wareegga afraad la ciyaaraysa Luton Town ay haddana ogaatay in wareegga kale ee shanaad ay waajihi doonto Norwich ama Barnsley midkooda soo badiya.

Laakiin Tottenham oo wareeggan hore ku beegan Wycombe ayaa waxay wareegga shanaad ku dhacday Everton ama Norwich City, waxaana iska hor iman kara Mourinho iyo Carlo Ancelotti.

Manchester City oo wareegga afraad ku dhacday Cheltenham ayaa waxa haddii ay soo baxdo ay la ciyaari doontaa Swansea ama Nottingham midkooda soo badiya, waxaanay taasi Pep Guardiola u tahay fursad uu iskaga xaadirin doono sideed-dhamaadka tartankan.

Wareegga shanaad ayaa la ciyaari doonaa maalinta Arbacada ah ee February 10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here