Facebook oo Hawada Ka Saartay Akoonno ay Leedahay Dowladda Uganda.

0
279

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Facebook ayaa xirtay akoonno lala xariirinayo in ay leedahay xukuumadda dalka Uganda maalmo un ka hor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee dalkaas.

Facebook ayaa sheegtay in shabakad xariir la leh wasaaradda warfaafinta Uganda ay adeegsatay akoonno been abuur ah si ay shacbiyad ugu hesho borobogaandadeeda.

Xukuumadda Yugaandha ayaa Facebook ku eedeysay in ay dhan u janjeerto.

Madaxweyne Yuweri Museveni oo 76 jir ah oo dalka Yugaandha xukumayay muddo 35 sano ah ayaa Khamiista soo socota kursiga madaxtinnimada kula loollami doona fannaan hore oo dalkaasi caan ka ah oo loogu yeedho Bobi Wine.

Bobi Wine oo 38 jir ah ayaa taageero ballaadhan ka heysta dhallinyarada dalka Yugaandha.

Wine ayaa marar badan si cadaadis loo saaro ay xukuumaddu xabsiga dhigtay iyada oo falcelintii arrinkaa ka dhalatay iyo dibadbaxyadiisii lagu dilay tobannaan ruux oo oo isugu jira rayid iyo mucaarad.

Facebook ayaa tilmaantay in akoonnada ay xirtay ay ahaayeen kuwo been abuur ah oo si xowli ah u faafinayay farriimo nacayb ah.

Bishii December ee sanadkii tagay guddiga xariirka Uganda oo farriin u diray Google waxa uu kaga codsaday in ay xiraan kanaallo Youtube ah oo taageera musharrax Bobi Wine.

Dadka Yugaandha ayaa sheegay in xukuumaddu ay dhadhaminayso xaruunka korjoogteynta ee la xariirta arrimaha doorashooyinka oo aan kalsooni badan lagu qabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here