Shiinaha oo Markii ugu Horeysay Xusaya Dadkii u Geeriyooday Corona Virus.

0
310

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa maanta xusaya sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegatay markii qofkii ugu horreeyay uu dalkaas ugu geeriyooday xanuunka COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Shiinaha ayaa sheegtay in kooxda baaritaanka ee ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay soo gaareen dalka Shiinaha si toos ahna ay u guda geli doonaan howlahooda la xariira ogaanshaha asalka xanuunka Korona Khamiista soo socota.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wadahadal dheer kaddib ay oggolaatay in kooxda baaritaanka ay 14-ka bishan bilaabayaan howlahooda ku aaddan wax ka ogaanshaha asalka iyo halka uu ka soo jeedo xanuunka Covid19, waxaa sidoo kale baaritaanka ku wehlin doono culumo Shiinays.

Beijing ayaa dadaal ugu jirta sidii ay isaga fogeyn lahayd in ay dhabarka u ridato ku lug lahaanshaha faafitaanka xanuunka COVID-19.

Shiinaha ayaan faahfaahin dheeri ah ka bixinin booqashada kooxda caafimaadka ee caalamiga ah.

Kooxdan ayaa muddo todobaad ah uga dib dhacay xilligii hore ee loo qorsheeyay in ay tagaan arrintaas oo ay cambaareysay WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here