Garsoore Michael Oliver Oo Sharraxay Qaladkii Uu Ka Galay Liverpool Markii La Dhaawacay Virgil van Dijk.

0
209

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garsoore Michael Oliver ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii keentay in qaladkii uu Jordan Pickford kula kacay Virgil van Dijk bishii October ee sababay in dhaawaca culus uu soo gaadho difaaca Liverpool, kaas oo qalliin lagu sameeyey ku seegaya xili ciyaareedka oo dhan.

Pickford ayaa taakal xun ku qabtay Van Dijk, waxaanu ka dhaawacmay jilibka, laakiin garsoore Michael Oliver iyo garsooreyaasha kale ee VAR ayaa ku mashquulay offside-kii uu difaacani galay ka hor intii aanay isgaadhin goolhayaha, taasina waxay meesha ka saartay in la fiiriyo qaladkii isaga lagu galay, sidaas ayaanu Picford kaga badbaaday in ciqaab la marsiiyo.

Michael Oliver oo ahaa garsoorihii ciyaartaas dhexdhexaadinayay ayaa waxa uu qirtay inuu dhacay qalad, isla markaana ay ahayd in Pickford lagu ciqaabo qaladka uu u geystay Van Dijk, laakiin dhinaca kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen iyo qaabkii garsoorku u arki waayeen wixii dhacay.

Garsoore Michael Oliver oo hadlayay ayaa yidhi: “Marka hore, waxay ila ahayd in aanu rikodhe ahayn sababtoo ah offside ayaa jiray, waxaananu u baahanahay inaanu marka hore soo hubino (offsideka). Waxaan u malaynayaa inaan ku idhi VAR ‘hubiya inay tahay offside, waxaanayaa rikoodhe e.’

“Marar badan ayaan dib u daawaday. Ilama aha in Pickford uu sameeyey wax aan ka ahayn inuu iskala bixiyey, laakiin si qaldan ayuu isku kala bixiyey sida uu dhaawacu muujiyey.

“Dhamaantayo, aniguna aan ku jiro nalamay ahayn in taakalkaasi uu sidaas u weyn yahay. Waxaanu siin lahayn Ofside, Pickford na ciyaarta ayaanu ka saari lahayn.”

Michael Oliver waxa kale oo uu sheegay inuu la yaabay in ciyaartoyda Liverpool aanu ku jirin hal laacib oo ku dooday in loo daawado qaladka lagu galay Van Dijk si casaan loo siiyo Jordan Pickford.

“Waxa aan la yaabay markii dambe in aanu jirin hal ciyaartoy oo Liverpool ah oo dalbaday in (loo daawado qaladka ama casaan la siiyo Van Dijk). Haddii ay taasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here